Ururka SOHASCO oo Tababar ku Saabsan Maamulida Biyaha u Furay 21 Xubnood

Hargeysa (SLpost)- ururka SOHASCO ayaa tababar ku saabsan maamulida biyaha u furay 21 xubnood oo ah maamulada biyaha ee degaannada Cabdi-dheere, Bali Muumin iyo Harada Gubitixim oo hoos taga Gobolka Togdheer.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa maalgeliyey hay’adda Caritas, waxaana fulinaaya ururka SOHASCO.

Guddoomiyaha ururka SOHASCO Mr. Saleebaan Faarax Habane oo tababarkaas furay, ayaa ka sheegay in ujeeddada tababarkan loo qabtay tahay maamulida iyo nadiifinta biyaha, isaga oo xubnaha ka qaybgalay ugu mahadnaqay ka soo qaybgalka iyo safarka dheer ay u soo galeen siday aqoon ugu heli lahaayeen biyahay masuuliyiinta ugu yihiin degaannadooda, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay hay’adda Caritas oo uu sheegay inay maalgelisay tababarkan.

Mr. Saleebaan Faarax wuxuu xubnaha ka qaybgalay tababarka ku boorriyey inay qoontay ka faa’iidaystaan wax ugu qabtaan degaannaday ka yimaadeen, isaga oo si gaar ah ugu soo jeediyey inay ka shaqeeyaan horumarka dalka.

Agaasimaha Fulinta ururkan Mr. Cabdirisaaq Xuseen Jaamac oo isna halkaas ka hadlay, ayaa maamullada biyaha deegaannadan ugu bushaareeyey in marka tababarkan dhammaado degaannadooda looga furi doono xafiisyo loo qalabeeyey, waxa kale oo uu la socodsiiyey in la siin doono qalab lagu nadiifiiyo berkedaha iyo meelaha biyaha oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tari doono baahida degaannaday ka yimaadeen u qabeen biyo nadiif ah.

Mr.Maxamed Yuusuf  oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Caritas ee tababarkan maalgelisay, ayaa sheegay in tababarkan ku saabsan yahay maamulida biyaha degaannada iyo faya dhawrkooda, Isaga oo xusay in dadka ay dhibaato ka haysato maamulida biyaha, sidaa darteed loo sameeyey tababarkan, waxaannu u soo jeediyey xubnaha ka qaybgalaya tababarkan inay si fiican uga faa’iidaystaan.

Mr. Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay in kormeer lagu samayn doono sida  loo fuliyey waxyaabihii tababarkan laga faa’iiday, isaga oo u ballanqaaday in xafiisyo loo qalabayn doono xubnaha tababarkan dhammaysta.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland