Ururka Maayarrada Somaliland oo Hambaleeyey Maayar Guursaday

CEERIGAABO (SLpost)- Ururka ay ku midaysan yihiin maayarrada Somaliland, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Maydh Prof Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh iyo Marwadiisa Ishwaaq Maxamed Jaamac oo Jimcihii maanta Meherkoodu ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

meherka (1)Guddoomiyaha Ururka Maayarrada Somaliland ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isla markaana ah Maayarka caasimadda, Gudoomiye ku xigeenka Ururka Maayorrada dalka, ahna guddoomiyaha Golaha deegaanka iyo maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, Xoghayaha Ururka ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka iyo maayarka magaalada Laascaanood Md Cabdiqaadir Jaamac Saalax. Maayarka magaalada Burco Md Maxamed Yuusuf Cabdi, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayarka Magaalada Berbera Md Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), Maayarka Magaalada Oodweyne Md Cabdixakiim Nuur Muuse, Maayarka Magaalada Gabiley Md Shucayb Maxamed Muuse iyo dhammaanba xubnaha Ururka maayarrada Somaliland, waxa ay hambalyeeyeen Prof Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh iyo Ooridiisa Ishwaaq Maxamed Jaamac oo maanta Meherkoodu ku qabsoomay magaalada Ceerigaabo.

meherka (2)Masuuliyiintani waxa ay Maayarka Maydh iyo Marwadii u rejaynayaan Eebbe inuu ka yeello Qoys badhaadhe ku noolaada, waxaanay leeyihiin Baarakallaahu Lak Wa Baaraka Calayk, Wajamaca Baynakuma bil-kheyr aw fil-kheyr.