Ururka Horseed oo xulka gobolka Maroodijeex ku hambaleeyey Guusha ay soo hoyeen, shirkadda Dahabshiil-na bogaadiyey

Horseed Logo
Horseed Logo

Hargeysa, (SLpost)- Ururka wadaniga ah ee Horseed aya  dhambaal  Hambalyo & Bogaadin ah uu Diraya  ciyaartoyga, taageerayaasha iyo shacbi-weynaha gobolka  HARGEYSA Meel kasta oo ay joogan-ba  Iyaga oo ugu hambalyey-naya  guusha ballaadhan   Ee ay Ciyaartoyga  gobolka  Hargeysa  ay gaadheen ee ay ku hantiyeen  Koobka kobada cagta , Koobka  kobada  kollayga    iyo  orodka   oo Ay  ka  galeen   Kaalinta  kowaad.

Sidaana    waxa   lagu  sheegay   war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ururka waddaniga ee Horseed Calaawi Cabdi Gaboobe.

Ururka  wadaniga ee  Horseed  wuxu  tilmaamay  inay  guushani  ku  timid Dedaalka  iyo  kartida  ciyaartoyga  Halyeyda  ah  ee  gobolka  HARGEYSA Oo  si  sharaf  iyo  karaamo leh oo heer sare ah  uu  matalayey  gobolkooda  HARGEYSA .

Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaanu  Hambalyo  &  Bogaadin  aad uu qaaliya  uu dirayna  ciyaartoyga Xulka  gobolka  HARGEYSA  ee ku guuleystay  tartanka  ciyaaraha  gobollada Dalka  Jamhuuriyada  Somaliland  ee  kobada cagta , kobada  kollayga  iyo  Orodka-ba  ee   ku qabsoomay   magaalo madaxda  labaad  ee  Dalka   Jamhuuriyada  Somaliland  ee  Burco .

Waxaanu  odhan  karna  ciyaartoygaasi  Halyeyada ahi ee gobolka  HARGEYSA Waxay si wanaag-san  oo  Xarrago leh uga  soo baxeen  waajibaadkii iyo xilkii Saaranaa iyaga oo soo  Bandhigay  ciyaar  heer sare ah oo soo jiidatay  indhaha Dadka  Xiseeya  ciyaaraha , waxaanay  mujiyeen  dulqaad & adkeysi faro badan Waxa  kale  oo ay  tartanka ciyaaraha  gobollada  dalka  Jamhuuriyada Somaliland  ay markhaati cad uu tahay  xasilloniada  , nabad-geliyada  iyo Hour-marka  ay gaadheen  shacbiga  Jamhuuriyada  Somaliland , inkasta oo Ay Bullshada  caalamku  ay  weli ay indhaha  ka qarsanayaan  guulaha kala Duwan  ee  ka  jira  dalkeena  Hooyo  ee  Jamhuuriyada  Somaliland .

Waxa  xusid   mudan  oo  Mahad-naq  gaar  iska  leh  shirkada  Dahabshiil Group  oo  bixisay  jaa’iisad   (gaadhi  Crown ) ah  oo siisay  ciyaartoyga Halyeyga  weyn ah  Mr. govinda  ee  goolkii  kowaad  dhaliyay  ciyaartii  Furitaanka  ahayd , iyada  oo run ahaantii  ay shirkada  Dahabshiil  ay  kaalin Fiican  ka  geysato  horumarka  dalka.

Gebogebadii , ururka wadaniga ah ee Horseed  waxa uu mar labaad Hambalyo  &  Salaam  Aad  uu  diirran  uu-u  diraya    ciyaartoyga , Taageerayaasha  iyo  dhamaan  shacbi-weynaha  gobollka  HARGEYSA Meel  kasta   oo  ay   joogaan-ba.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net