Ururka Geel-leyda Somaliland oo Baaq u diray Dowladda Australia

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Geellayda Somaliland Mustafe Cali Deeq, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin tallaabada ay dowladda Australia ku xasuuqayaan Geel tiradiisa ay ku sheegtay Toban kun oo Neef, waxaanu ugu baaqay dowladda dalkaas inay joojiso xasuuqa Geela, taas beddelkeedana ay isaga soo mastaafuriso Dhulka Soomaalida.

Waxa uu Mustafe sheegay in Geela dhaqashadiisa ay Soomaalidu caan ku tahay, isla markaana uu yahay midka ugu mudan Xoolaha ay Soomaalidu dhaqato, qiimo weyna u leh Soomaalida oo taariikhdooda iyo dhaqaalohooda, nabaddooda iyo xididnimadooduba ku tiirsan tahay.