Ururka EPRDF Ee Ka Taliya Itoobiya oo Raysalwasaaraha Dalkaas Doortay

 

Addis ababa(SLpost)-Ururka EPRDF ayaa mar kale u doortay guddoomiye, Hailemaraim Desalegn, oo ahaa guddoomiyiihii hore ee ururka iyo raysal-wasaaraha dalka. Xilka loo doortay hogaamiyaha ayaa si toos ah uga dhigaya raysal-wasaaraha dalka.

Haielmaraim oo raysal-wasaarha ka ahaa dalka Itoobiya tan iyo 2012-kii ayaa hore u ahaa raysal-wasaare-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibada.

Geeridi Meles Zenawi kadib ayaa si ku meel gaadha loogu magaacabay raysal-wasaare, balse waxaa xilka rasmi looga dhigay bishii Sebtember 2012-kii kadib markii loo doortay gudoomiyaha EPRDF.

Raysal-wasaare Hailemariam Desalegn ayaa hore guddoomiyey uga ahaa ururka ay leeyhiin qoomiyadaha koonfurta Itoobiya. Sidoo kale, shirka EPRDF ayaa lagu doortay guddoomiye-xigeen, iyada oo xilkan loo xushay Demaqe Mokennon oo isna ahaa guddoomiye-xigeenkii hore ee ururka EPRDF.

Labada masuul ee jagooyinka ugu sareeya ee uruka loo magaacabay ayaa ka soo kala jeeda qoomiyadaha shucuubta koonfureed iyo Axmaarada. Wakaaladda wararaka ee WIC ayaa tibaaxaday in 161 xubnood ay codeyeen, iyada oo 157 xubnood ay doorteen guddoomiye Hailemaraim.

Ururka ayaa horey u doortay gudiga fulinta oo ka kooban 36 xubnood iyada oo 4-ta urur ee ka bahoobay EPRDF mid kasta soo doortay 9 xubnood.