Ururka Al-shabaab Oo Afar Qof Dil Ku Fuliyay

 

Bu’aale(SLpost)-Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal degmada Bu’aale ee Gobolka Jubadda Dhexe ku toogatay afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay qaarkood jaajuus ahaayeen, kuwana ka shaqeynayeen arrimo kale.

Dadka la toogtay waxaa ku jiray nin oday ahaa oo 63 -jir ah oo lagu magacaabayay Faarax Cabdulle Cali, kaasoo lagu eedeeyay inuu u basaasayay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale ruux labaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Maxamed Cabdi oo 20-sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu ciidamo u qorayay dowladda Soomaaliya.

Ciise Xuseen Axmed oo 50 sano jir ah waxaa lagu eedeeyay inuu Dowladda u qaabilsanaa inuu iska horkeeno Shabaab iyo shacabka deegaanka Kamsuuma ku sugan. Qofka afaraad oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali oo 20 jir ah waxaa lagu soo eedeeyay inuu basaas u ahaa Dowladda Somaliya.

Qaadiga riday xukunkan ayaa fagaaraha ka sheegay in dhamaan raggan ay qirteen dambiyada, sidaas darteedna Maxkamaddu dil ku xukuntay, dilkiina lagu fuliyay.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan ka fuliyay dilal noocaan oo kale ah oo ah ragg iyo dumar lagu eedeeyo inay u basaasaan sirdoonada dowladda, AMISOM, reer galbeedka iyo dalalka deriska.