Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Ka Qayb-qaadanayaan Taakulaynta Abaaraha Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Ururarada bulshada rayidka ee Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/08/11 kulan ay kaga arinsanayaan taakulaynta abaaraha iyo macaluusha ka jirta soomaaliya ku yeeshay magaalada Hargaysa.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska dallada metelayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxaa ka qayb galay inta badan dalladaha ururada  bulshada rayidka ah.

Shirkan oo soconayay muddo ku dhaw laba saacadood, ayaa waxaa aad looga dooday sida ay bulshada rayidka ah uga qayb qaadan lahaayeen taakulaynta iyo doorka ay ka qaadan karaan hawsha ay waddo dowladu ee ah taakulaynta iyo in si wayn loogu gurmado dadka  ay abaaruhu ku habsadeen.

Gabagabadii kulankaa bulshada rayidka ah ee Somaliland waxaa ay halkaa ka soo saareen go’aamo ku wajahan taakulaynta iyo gurmadka abaaraha soomaaliya. Go’aamadaasina waxaa ay ahaayeen sidan:-1-        In bulshada rayidka ahi si weyn u taageersan tahay go’aanka dawladda ee ahaa in la caawiyo dadka ku tabaalaysan soomaaliya.2-        In bulshada rayidka ah ay ururiso qaadhaan iyo tabarucaad3-        In la doortay guddi ka kooban shan xubnood oo isku xidha hawsha taakulaynta ee ururada rayidka ah4-        In qaadhaanka ururada bulshada rayidka ahi noqdo mid lagu ururiyo muddo kooban.5-        Waxaana loo balamay kulan dambe khamiista soo socota kulankaas oo ka dhici doona xarunta SONSAF si loo gudbiyo wixii la ururiyay6-        In ururadii aan shirkaa joogin ee bulshada rayidka ahi loo soo xidhiidhaan guddigaas oo xaruntoodu tahay SONSAF7-        In qaadhaanka Beesha Caalamku ku deeqday ee loogu talo galay abaarta ba’an ee tabaalaysay Soomaaliyaa ay Soomaaliland na hesho qyabteeda maadaamaa abaartii ay  meelo  badan oo Soomaliland ah weli ka jirto ayna dad saamayn ku yeelatay.8-        In mustaqbalka ururada bulshada rayidka ahi sii wadaan doorkoodu ku waajahan taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Somaliland.Gabagabadiina waxay ururada bulshada rayidka ah ku dhiiri-gelinayaan muwaadiniinta reer Somaliland in ay ka qayb qaataan taakulaynta macaluusha ka jirta Soomaliya iyadoo arrinta ku saabsan gaargaarka ay u baahan yihiin dadka ku tabaalayasn Soomaaliland_na si dhakhso ah ururada bulshada rayidka ahi ugu soo jeedsan doonaan.

Magacyada ururada ka qayb galay shirka:

1-SONSAF       2- SONYO     3- NAGAAD     4- APD     5-HAVOYOCO    6- Candle Light    7- CCBRS      8- ANNPICCAN-Som         9- Solla       10-NOW       11- ODHA        11-SORADI      12-Doses of Hope