Urur-siyaasadeedyo Cusub: Geeddi Hore Leh! Qaybtii 1aad

Wariye Cabdishakuur Heersare
Wariye Cabdishakuur Heersare

Waxa mar kale loo xadhko-xidhay abaabulka, aloosidda, isku dubbaridka iyo qaban-qaabada urur-siyaasadeedyo cusub oo u tartami doona hanashada iyo ka mid noqoshada saddexda xisbi ee Somaliland yeelan doonto tobanka sano ee soo socda.

Waa xod-xodasho iyo sasabasho mar kale siyaasiyiin damac leh ay doonayaan inay ku kasbadaan taageerada bulsho-weynta reer Somaliland, oo la moodo inay quus ka taagan yihiin saddexda xisbi ee hadda jira. Waa hayaan iyo himilooyin siyaasadeed oo hor leh. Waa laab-lakac iyo yididdiilooyin ay dabada ka riixayaan gufaacooyin siyaasadeed oo garabsanaya siyaasiyiin u hanqal-taagaya halabsashada taageerada bulshada.

Maaha wax cusub in siyaasiyiinta damaca lehi ay bulshada ku dhega-barjeeyaan ballan-qaadyo, taageero-raadin, shir-doceedyo, is-dhul-dhigid, is-macaanayn iyo arrimo la hal maala, hasayeeshee waxa iska yar inta ka soo baxda ballan-qaadyada ay sameeyaan. Sababtuna waa mid la isla yaqaan oo siyaasiyiintu waxa godlan yihiin inta ay baahan yihiin, balse marka ay baahi baxaan way gudhaan.

Sagaal sannadood ka dib, waxa mar kale la is-haleelaya oo tartan culusi dhex-marayaa urur-siyaasadeedyo cusub oo dardartooda iyo damacooduba ku jihaysan yahay kala hororsashada teegarada bulshada, kuwaas oo ay gadh-wadeen ka yihiin siyaasiyiin isugu jirta qaar ay bulshadu tijaabisay oo ay dhadhamisay damacooda siyaasadeed iyo kuwo cusub oo aan weli tijaabo-gelin. Waxaase badan inta la dhadhamiyey oo ka kooban qaar dhadhamadii ku dhacay, kuwo in yar ku gudbay iyo qaar darajo sare ku baxay. Siyaasiyiinta urur-siyaasadeedyada kala hogaaminayaana way is garanayaan ee inta aanay luggooyo ku dhicin ha is-bubsadaan.

Dabcan, halgan dheer iyo dagaal culus ayaa loo galay in mar kale la furo ururada siyaasadda, iyada oo la isla qirsan yahay in xisbiga KULMIYE waxyaabihii lagu doortay ay ugu mudnayd ballan-qaadkiisii ahaa: “Haddii aanu talada dalka ku guulaysanno ururada siyaasadda ayaanu furaynaa.” Waxa la la odhan karaa ballan-qaadkaasi wuu rumoobay, laakiin dirqi iyo tu’baas ayuu ku hirgalay.

Waxaana muuqata urur-siyaasadeedyada oodda laga qaaday inay ka dhigan tahay geeddi hor leh oo kuwaajahan cusboonaysiinta nidaamka xisbiyada Somaliland oo hadda u muuqda inuu tabcaan yahay, iyada xisbiyada xilligan jiraa u sansaan eeg yihiin kuwo lumiyey kalsoonidii bulshada iyo taageeradii loo hayay.

La soco qaybta 2aad

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.comheersare2009@gmail.com

Hargeysa, Somaliland