Urur-siyaasadeedka Waddani oo soo dhaweeyey Murashaxiin Miisaan ku leh Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa shalay munaasibado talan-taali ah ku soo bandhigay laba murashax oo bulshada dhexdeeda miisaan ku leh kuwaas oo uga qayb-galaya tartanka doorashada golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Munaasibado lagu shaaciyey murashaxiinta  Xasan Maxamed Cabdi [Xasan-Xaydh] oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee wakhtigiisu dhammaaday iyo Maxamed Warsame Caalin [Timacade], ayaa lagu kala qabtay Hoteellada Crown iyo Maroodijeex ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad ballaadhan oo urur-siyaasadeedka Waddani ku soo bandhigay murashaxnimada Xasan-Xaydh, waxa ka soo qayb-galay madaxda urursiyaasadeedka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, culmi-awDiinta, Aqoonyahanno, Xildhibaanno, taageerayaasha murashaxa, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

Mulkiilaha Hotelka munaasibadda lagu soo bandhigay Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) isla markaana ka tirsan xisbiga UDUB, ayaa sheegay inay taageero la garab taagan yihiin murashax Xasan Xaydh, “Waad ogtihiin annagu waxaanu ka soo jeednay Xisbigii UDUB balse waxaanu sacabka u tumaynaa Xasan Xaydh,” ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Xildhibaan Cabdilaahi Xirsi Dhugad oo ka tirsan Golaha Guurtida oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay in ku-soo biiritaanka xildhibaan Xasan Xaydh ay guul u tahay ururka Waddani, “Xisbigii UDUB labeentiisii waxa uu ahaa Xasan Xaydh waanad haysan maanta ayaan leeyahay reer Waddani ee ku fara adkaada” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xoghayaha ururka Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde isla markaana ah maayar ku-xigeenka Caasimadda, ayaa sheegay inay ka urur ahaan soo dhaweynayaan murashaxnimada Xasan Xaydh ee ururkooda.

Murashaxa munaasibadda loo qabtay, Xasan-Xaydh, oo madasha ka hadlay, ayaa ku faanay inay bulshadu taqaano waxqabadkiisa isla markaana uu taagero ballaadhan ka haysto magaalada Hargeysa, “anigu isma faaniyee waxaa itaqaana Umadda Somaliland oo dhan,” ayuu yidhi waxaanu  intaa ku daray, “waxaan idiin sheegayaa inaan ku biiray aniga iyo taageerayaashadiiba ururka Waddani cid igu cambaarayn karta iyo cid igu canaanan kartaa midna ma jiraan.”

“Maanta waxaan idiin sheegayaa inaanu jirin nin uga dhaw ururkaa Waddani ee uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro]  inuu qabto hoggaanka dalka,” ayuu yidhi musharaxa xafladdaasi loo dhigay Xasan Maxamed Cabdi.

Gabo-gabadii munaasibadda, waxa ka hadlay guddoomiyaha ururka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan murashaxnimada Xasan-Xaydh. “Xasan iyo reer Somaliland iyo ururka WADDANI waxaad maanta u muujiseen inuu Xasan taageeradiina haysto, Xasan looga warwari maayo inuu soo baxo Magaalada Hargeysa ciddii aasaastay waa la garanayaa oo Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa Sheekh Madar, waxaan isleeyahay maanta furihii Hargeysa waxa uu soo raacay WADDANI, waayo Xasan halka uu ka soo jeedo waad garanaysaan, Xasan haddii uu ku taageersan yahay iyo haddii uu kaa soo horjeedaba waa geesi. Dhinac kale haddii aynu ka eegno Xasan waa oday dhaqameed iyo guurti.”

Sidoo kale, Munaasibadda labaad ee urur-siyaasadeedka Waddani ku soo bandhigay murashax Maxamed Warsame Caalin, ayaa ku qabsoontay Barxadda Beerta Hoteelka Maroodijeex ee Bariga magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo masuuliyiinta kale ururka, Madax-dhaqameed, aqoonyahanno, Culimo, Xildhibaano iyo taageerayaasha murashaxa.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa ugu baaqay taageerayaasha murashaxa inay codkooda siiyaan maalinta doorashada loo dareero, “idinka mid baan  idin leeyahay murashaxana midbaan leeyahay oo idinka waxaan idin leeyahay sida aad maanta ugu soo baxdeen taageerada Timacade berritona waxa laydinka doonayaa inaad codkiina ugu taageertaan maalinta loo dareerayo doorashada,”ayuu yidhi Suldaan Yuusuf  Muxumed Xiiray.

Jiif Caaqil Cabdi Gaboobe iyo Oday Axmed Boodhle oo ka mid ah ganacsatada laga yaqaano magaalada Hargeysa oo goobtaas ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada Somaliland inteeda badan isku raaceen taageerada ururka Waddani, waxaanay muujiyeen taageerada ay la garab taagan yihiin Murashax Maxamed Warsame.

Xoghayaha guud ee ururkaasi Maxamed Cabdillaahi [Uurcade] oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa ka warramay aqoonta uu u leeyahay murashax Timacadde, “anigu aqoon fiicambaan u leeyahay Timacade oo muddo dheer baanu soo wada shaqaynaynay, waxaanan idiin sheegayaa inyuu yahya Timacade nin wax  lagu aamini karo,” ayuu yidhi Mr Uurcade.

Musharaxa xafladdaas ballaadhan loo qabtay Maxamed Warsame Caalin [Timacade] oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa ka warramay waayo aragnimadiisa iyo aqoonta uu u leeyahya shaqada Dawladaha hoose, “anigu waxaan ka soo shaqaynayey Dawladaha hoose muddo 14 sanno ah meeshii ugu horeysay ee aan shaqada ka bilaabay waxay ahayd xaafadda Maxamuud Haybe,” ayuu yidhi musharaxa Timacade.

Ugu dambeyntii, waxaa munaasibaddaas hadalk kooban ka jeediyey Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] ahna Gudoomihaha Golaha wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo musharaxnimada Timacade. “Sida ay horey uga dhawaajiyeen masuuliyiintii halkan ka hadashay musharax nimada Timacade waxaan u arkaa inay tahay daaqad ka banaanayd Waddani oo maanta soo buuxsantay,” ayuu yidhi Goodmiye Cirro.

Gudoomiye Cirro waxa uu farriin dardaaran ah u diray taageerayaasha ururka Waddani waxaanu faray inay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka doorashooyinka iyo inay nabad galyada ilaaliyaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net