Urur Gobolleedka IGAD Oo Kenya Ku Ammaanay Xayiraad Ka Qaadista Xawaaladaha

Nairobi, (SLpost)- Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay dib u fasixiddii ay Kenya dib u fasaxday xawaaladaha Soomaalida ee dalkeeda ka hawl-gala, kuwaasoo ay xayiraad saartay bishii April, ka dib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.Maxbuub Macalin

Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macallin ayaa sheegay in xawaaladaha dib loo furay ay wax badan ka tarayso nolosha dad badan oo ku nool Geeska Afrika, kuwaasoo noloshoodu ku xidhan tahay lacagaha dibadaha looga soo diro.

“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaaday madaxweynaha Kenya, waana mid uu u arkay inaanay dan u ahayn Keenyaanka oo keliya, laakiinse ay dani ugu jirto dadka gobolka oo dhan ku nool,” ayuu yidhi Maxbuub Macallin.

Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa maalin ka hor xayiraaddii ka qaaday 13 xawaaladood oo ay Soomaalidu ku leedahay Nairobi, kuwaasoo hore loogu eedeeyay inay lacago siiyaan kooxaha argagaxisada ah ee Kenya ka jira iyo Al-shabaab.

Maxbuub Macallin ayaa ka dalbaday dawladda Kenya inay ilaaliso xawaaladaha oo hawlo wanaagsan u haya shacabka, sida qaxoontiga ku nool dalka Kenya oo inta badan ah Soomaali kasoo carartay colaadaha dalkooda ka jira.

Sidoo kale, Macallin ayaa ka codsaday dalalka reer galbeedka inay iyaguna sii wadaan caawinta sidii ay u shaqayn lahaayeen xawaaladaha, si loo yareeyo saboolnimada ka jirta gobolka iyo amni-darrada.

Ugu dambeyn, dib u fasaxidda ay Kenya dib u fasaxday shaqada Xawaaladaha ka hawlgala dalkeeda ayaa waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay sheegtay dhawaan in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 3.7%, lana filayo inuu intaas kasii bato.

Somalilandpost.net