Urdun Oo 12 Qof Ku Dishay Xuduudeeda Suuriya Daroogooyina Qabatay

Urdun(SLpost)-Dowladda Urdun waxa ay sheegeysaa in ilaalada xuduudeeda ay dileen 12 qof oo hubeysan, kaddib markii ku dhowaad 30 qof ay isku deyeen inay dalka ka galaan dhanka xuduudda Suuriya.

Militariga waxa ay sheegayaan inay si joogto ah uga hortagaan dad isku deya inay dalkaasi u gudbaan. Laakiin israsaaseynta ugu dambeysay waxaa lagu sheegay inay tahay dhacdadii ugu xumeyd ee la xasuusto.

Waxa ay sidoo kale dowladda Urdun sheegtay inay qabatay laba milyan oo ah daawooyiinka maandooriyayaasha, intii uu socday isku dhicii Sabtida. Urdun waxa ay Suuriya ka qaaday boqollaal kun oo qaxooti ah, laakiin dhowaantan waxa ay adkaysay ilaalada xuduudeeda. Waxayna ka cabsi qabtaa in kooxaha xagjirka ah ay dalkaasi ku dhex milmaan.