Ujeeddada Socdaal Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhiliga ku tageen Dugsiga Tabobarrada Ciidamada Booliska ee Mandheera

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ay Weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa Maanta kormeer ku tagay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera halkaas oo uu tababar uga socdo Sadex Boqol iyo afar iyo Lixdan askari.

Taliyaha ciidanka booliska oo wasiirka  uga  waramayey xaaladda guud ee  dugsiga tababarada ee Mandheera  iyo hawlaha hadda  ka socda  ayaa sheegay  in 364 Askari  ee tababarku  u socdaa ay u badan yihiin ardaydii  dugsiyada sare ka baxday, isla markaana ay u soo diyaar garoobeen  inay  ka mid noqdaan ciidamada  booliska Somaliland si ay uga qayb  qaadaan  wajibaadka qaran ee ay ciidamada u xil saran yihiin.

Taliyaha oo la hadlayey Ciidamada tabobarku u socdo, waxa uu ku waaniyey  inay dhowraan Anshaxa iyo karaamada ciidanimo, Isla markaana ay u diyaar garoobaan  sidii  uga qayb qadan lahaayeen waajibadka qaran ee ciidamada somaliland  u darban yihiin

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland  Mudane, Maxamed Nuur Carale  Duur  oo kormeer ku maray qaybaha dugsiga Mandheera ayaa sheegay in 364 Askari ee tababrka ku jira ka mid yihiin  soo Askari oo cusub oo xukuumadu  katala qaadatay inay  u dhamastirto , dayerlkooda  dieayokooda iyo hubkooda , isla markaana  loogu talo galay inay  ka qayb qaatan  dardargilinta iyo dib  u habaynta ciidamada Somaliland .

 Waxaanu tilmaamay in la doonayo in booliska  lagu kerdhiyo dhalinyaro aqoonyahano ah  oo loo tababaro hogaaminta iyo xoojinta  ciidamada booliska , waxaanu ku ka dardaarmay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka  iyo sugida  ammiga.

Waxa kale oo halkaasi hadaloa ka jeediyey madaxa tababarada dugsiga Mandheera C.laahi Budul Ibraahin iyo Bashiir Cabdillaahi Xasan oo ah madaxa  mashruuca dib-u habaynta booliska iyo masuulim kale.

Somalilandpost.net