Ujeeddada Socdaal Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku joogo dalka Maraykanka iyo Qaabkii loogu soo dhaweeyey

SACAD CALI SHIRE USAWashington (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.

Wasiirka oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee Dallas International Airport, waxa soo dhaweeyey oo qaabilay safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Mudane Rashiid Gaaruf, masuuliyiinta xisbiga talada haye ee Kulmiye ee dalkaasniyo jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Ujeeddada safarka wasiirka ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho hawlo-shaqo isagoo la kulmi doona musuuliyiin ka tirsan dawlada maraykanka iyo kuwa Qaramada Midoobay mudada uu joogo dalka Maraykanka. Sida uu sheegay safiirka Somaliland ee dalkaas, waxa uu Wasiirku kulamo ku leeyahay Washington DC ilaa maalinta Khamiista, waxa kale oo uu ka qayb qaadan doonaa xaflad qaadhaan loogu ururinayo dadka reer Somaliland ee abaaruhu saameeyeen habeenka Arbacada ee todobaadkan halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyada reer Somaliland.

HOOS KA DAAWO SOO DHAWEYNTII WASIIRKA EE WASHINGTON