Ujeeddada Socdaal uu Gobolka Sool ku joogo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland

 

 “Waxa ay u yimaadeen wareejinta iyo qiimaynta qalabkii ay shirkadda GTS ay Wasaaradda uga wakiilka ahayd.” Isu-duwaha Wasaaradda Gaadiidka ee Gobolka Sool Mr. Shaakir Mustafe

Hargeysa (SLpost)-  Wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Agaasimaha Guud iyo Weftigiisa oo magaalada Laascaanood shirar kula qaatay Maamulka Gobolka Sool, Degmada Laascaanood iyo Isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee Gobolka Sool maanta, waxaannu Agaasimaha Guud iftiimiyey inuu u socdo hirgelinta wareegto uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo gacanta dowladda dib loogu soo celiyey adeegyo ay qaban jirtay shirkad gaar loo leeyahay.

Isu-duwaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee Gobolka Sool Mr. Shaakir Mustafe oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedada weftiga Agaasimaha Guud ay la xidhiidho u-kuur-gelidda adeegyadii ay qaban jirtay shirkadda la yidhaahdo GTS ee khusaysay daabacaadda liisamada iyo buugta dhaqdhaqaaqa gaadiidka,  adeegyadaas oo ay dowladda Somaliland si rasmi ah ugala wareegtay shirkaddaas gaarka ah.

“Waxa ay u yimaadeen wareejinta iyo qiimaynta qalabkii ay shirkadda GTS ay Wasaaradda uga wakiilka ahayd. Shirkadda GTS waxa ay samaysay kaadhadh aannu kaga raysanay waxa la yidhaahdo dhibaatada markii hore naga haysatay sii dhiibista iyo daabacaadihii, waxayna meesha ka saartay musuqmaasuqii, foojarigii, markaa shirkaddaas waannu uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noola shaqaysay Wasaarad ahaan,” ayuu yidhi Isuduwuhu.

Maayirka magaalada Laascaanood Md. Cabdicasiis Xuseen Taar-wale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu weftiga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ay ku soo dhawaynayaan degaanka Laascaanood, waxaannu yidhi; “Weftigani waxa ay u socdeen in ay Shirkadda GTS ay kala wareegaan hawshii ay qaranka uga masuulka ahayd, hawshaasina si fiican ayey ku dhammaatay, markaa Agaasime waannu idin soo dhawaynaynaa adiga iyo kooxdiinaba, waxkasta oo dhinacayaga ku xidhana waannu idinla qabanaynaa, haddii ay tahay dhulkii Wasaaradda iyo haddii ay tahay hawsha kale ee gaadiidka ku shaqada lehba.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa uga mahad-celiyey maamulka Gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo.

“Maayirka Degmada Laascaanood, Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Isu-duwaha Wasaaradda Gaadiidka ee Gobolka Sool waan idiinka mahadcelinayaa sida fiican ee aad noo soo dhawayseen. Runtii Gobolka Sool waxa ka muuqda kor u kaca iyo horumar, haddii ay tahay dhinaca nabadgelyada iyo xaga dowladnimada, hawshii aannu u nimidna waxa ay ahayd in aannu qiimayno agabka iyo shaqaalaha Shirkadda GTS ee qaabilsanayd daabacaadda buugaagta gaadiidka ee ay kala shaqaynaysay Wasaaradda, arrintaasina si fiican ayey noogu soo gabagabawday, iyadoo aannu marayno gobollo kale oo Somaliland oo dhan ah,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo isna goobta ka hadlay, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxaannu yidhi; “Marka koowaad kooxda Agaasimaha Guud oo dhan ayaan idin leeyahay ku soo dhawaada Gobolka Sool iyo Laascaanood, aad ayaanan idiinka mahadcelinaynaa safarka aad noogu timaadeen, iyadoo shaqadan aad waddaana iyo shaqadan aad u timaadeen aannu soo dhawaynayno. Gobolka Sool waxyaabo badan ayuu kaga duwan yahay Gobollada kale ee dalka Somaliland, waana gobol ku yaal degaan xuduud ah, xaqiiqatana Wasaaradda Gaadiidku waxay u baahan tahay inay culays iyo hawl intan ka badan oo ka duwan Gobollada kale ay saarto Gobolka Sool, duruufo badan oo Gobolkan ka jirana ay tixgeliso, runtii si ay shuruucda gaadiidku ay si buuxda uga wada hawlgalaan Gobolka oo dhan, iyadoo ay hawshaas la xidhiidha gaadiidkuna ay si aad ah noogu muhiim tahay, wax badan oo nabadgelyada lagu sugayana uu ka qaybqaato, dhaqaale iyo dakhli badan oo dowladda kaga maqana uu soo hoydo, iyadoo ay hawshaasina tahay mid muhiim u ah qarankeena Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool.