Ujeeddada Socdaal ay dalka ku yimaaddeen Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Jamhuuriyadda Jabuuti

MEEREHargeysa (SLpost)- Wefi uu hoggaaminayo Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta Jabuuti Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta socodaal ku yimi dalka ka dib Marti-qaad Xukuumadda Somaliland u dirtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Weftiga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti oo ay xubno ka yihiin La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, La-taliyaha Wasiirka Diinta iyo Safiir Dawladda Jabuuti u fadhiyi doona magaalada Hargeysa oo dhowaan la magacaabay, waxa madaarka diyaardaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Jabuuti Md Aadan Xasan Aadan oo ka hadlaya ujeeddada Safarkooda, hoose ka daawo.