Ujeeddada socdaal aan Hore loo sii Shaacin oo Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliyeyaasha Booliska & Sirdoonka ku tageen Dalka Jabuuti

Hargeysa (SLpost)- Wefti culus oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo ay xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidammada Booliska, Sirdoonka iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland, ayaa shalay socdaal aan ujeeddadiisa la shaacin ugu kicitimay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayay Weftigiisa ka mid yihiin, Taliyaha Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan. Masuuliyiintan oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaan ujeeddada safarkooda ay isugu raaceen Jamhuuriyadda Jabuuti wax faahfaahin ah ka siinnin warbaahinta, war kale oo Hay’adaha Qaranka ee ay Masuuliyiinta ka yihiin ka soo saarayna jirin.

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Hase-yeeshee, waxa ay ila-wareedyo Wargeyska Himilo u tibaaxay Safarka Masuuliyiintan Qaranka Somaliland u qaabbilsan arrimaha nabadgelyada ay tibaaxeen, inay Masuuliyiintani magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti u tageen ujeeddooyin la xidhiidha arrimo dhinaca ammaanka ah, oo ay labada Jamhuuriyadood wada-shaqayn ka leeyihiin.

Dawladda Jabuuti, ayaa xidhay isu-socodka Xuduudka ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii 24-kii bishii May sannadkan 2014-ka Qarax ka dhacay gudaha magaalada Jabuuti, kaasoo sababay dhimashada saddex Ruux oo kuwii is-qarxiyey ku jireen, 15 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo la sheegay inay dalka Jabuuti ka galeen dhinaca Somaliland oo ay socdaal maalmo ku joogeen, ka dibna ay dadkaas oo ahaa laba qof oo Nin iyo Gabadh ahi fuliyeen Qaraxaas.

Xadka ay xidhay Jabuuti ka dib, waxay Hay’adaha Ammaanka iyo Ciidammada nabadgelyada iyo War-doonka Somaliland bilaabeen wada-shaqayn la xidhiidha helitaanka dadkaas iyo sida ay ugu kala gudbeen labada dal, waxay taasi sababtay inay Ciidammada Ammaanka Somaliland magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka ku qab-qabteen dad Muwaaddiniin ah, kuwaasoo ay 3 qof oo ka tirsan toddobaadkii hore dawladda Somaliland ku wareejisay Sirdoonka waddanka Jabuuti oo si qarsoodi ah diyaarad ugaga qaaday garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Saddexdaa Muwaaddin ee ay Somaliland wareejisay ayaanay jirin wax Maxkamad ah oo la saaray iyo dembi ku caddaaday toona, Xukuumadda Somaliland-na weli kamay hadal, inkasta oo ay Ehelada dadkaas qaarkood iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ee maxalliga ahi cambaareeyeen qaabka loo wareejiyey Muwaaddiniintaas.

Haddaba, arrimahaas iyo kuwo kale oo ku aroora xidhiidhka labada dal, ka wada-shaqaynta arrimaha ammaanka labada dhinac khuseeya iyo isu-socodka xadka Jabuuti iyo Somaliland, ayaa la filayaa inay Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ay kala hadlaan dhiggooda Jabuuti.

XIGASHO: HIMILO

Â