Ujeeddada shirar doceedyo Wasiirka Daakhiligu la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Qorshe uu ku maaggan yahay Dufaanno mucaaradeed oo uu ku kiciyo maayarka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warrancadde, ayaa shalay gelinkii dambe Xafiiskiisa wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hargeysa shir ugu qabtay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

Shirkan oo sida la sheegay ahaa mid qarsoodi ah, ayaan la ogeyn waxa uu salka ku hayay, hase yeesee ilo ku dhadhow qaar ka mid xildhibaanadii uu la shiray Warrancadde oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa siddeed xildhibaan, ayaa tibaaxay in shirkani qayb ka yahay olole uu wasiirku ku doonayo inuu duufaano ku kiciyo Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Ololahan ayaa sida warar kale ay tibaaxayaan salka ku haya awood maroorsi sida la sheegay uu wasiir Warrancadde ku doonayo inuu dhammaan Maayarada iyo ku-xigeenada dalka oo dhan uu isagu toos u amro, isla markaana ay u hoggaansamaan amarradiisa oo sida la rumaysan yahay noqonaya kuwo ka baxsan wada shaqaynta maamul ee u dhaxaysa wasaaradda Daakhiliga iyo Goleyaasha Deeganada dalka ee sharciyada dalku jidaysay.

Sidoo kale waxay wararkani tibaaxayaan in wasiirka Daakhiliga oo ay inta badan maayarada magaalooyinka dalka isku khilaafeen kabkii dawladaha hoose ee sannadkan oo uu gebi ahaanba xisaab gaar ah kaga shubtay, isla markaana sheegay inuu ku qabanayo diiwaangelinta madaniga ah, uu wakhtigana wasiirku qorshaynayo, isla markaana si gaar ah dawladaha hoose ee Hargeysa iyo Burco ugu wargeliyay in kabka dawladaha hoose ee labadaas magaalo ugu jira Miisaaniyadda sannadkan 2015, ay wasaaradda Daakhiligu la wareegi doonto, isla markaana lagu fulin doono qorsheyaal aanu weli si toos ah u shaacin, taasina ay keentay inay maamulada goleyaasha deegaanka ee Hargeysa iyo Burco gaashaanka ku dhuftaan, maadaama mashaariicdii horumarineed ee ay ugu weynaayeen kuwa dhismaha waddooyinku u hirgeli waayeen kadib markii kabkii ay dawladda dhexe ka heli lahaayeen ee lagu fulin lahaa mashaariicdaas oo wasiirka Daakhiliga kala wareegay, sidaas darteedna ay qorshaha mar kale ugu dareen mashaariicdaasi inay ku fuliyaan kabka ay sannadka dambe ka helayaan dawladda dhexe. Hase yeeshee,

Warrancadde ayaa u muuqda mid qorshaystay in gebi ahaanba kabka dawladda hoose ay dhacdo xisaabtiisa, noqotan wax uu isagu maamusho.

Caasimadda Hargeysa oo iyadu ah magaalada ugu weyn dalka, isla markaana ugu baahida badan dhinacyada mashaariicda horumarinta waddooyinka, ayay tibaaxo laga helay ilo ku dhowdhow wasiirka Daakhiligu sheegayaan inuu Cali Warrancadde ka cabsi qabo inuu maamulkeeda deegaanku ku gacan-saydho qorshihiisa, taasina ay keento in maamulada degmooyinka kalena si la mid ah u diidaan qorshahaas, sidaas darteedna uu Warrancadde isku dayayo inuu u sii gogol xaadho meelmarinta qorshihiisa uu kula wareegayo kababka dawladaha hoose ka heli jireen dawladda dhexe, xataa haddii ay taasi kelifayso inuu xildhibaanada goleyaasha deegaanka degmooyinka waaweyn ka horkeeno maayaradooda iyo ku-xigeenadooda.

Waxa kale oo ay warar kale sheegayaan in Warrancadde shirka uu gelinkii dambe maanta wasaaradda Daakhiliga kula yeeshay Xildhibaano golaha deeganka Hargeysa ah uu kala hadlay sidii Golaha Wakiilada looga ololeyn lahaa in la horgeeyo mooshin lagu dalbanayo wax ka bedel lagu sameeyo xeerka ismaamulka degmooyinka, iyadoo uu si gaar ah u bartilmaameedsanayo in qodobka coddeynta xil-ka-qaadista Maayarada iyo ku-xigeenadooda laga dhigo cod hal-dheeri ah, halka uu hadda xeerku dhigayo saddex meeloodow laba meelood ay isku raacdo (two third).

Xukuumadda Axmed Siillaanyo ee xisbiga KULMIYE, muddo-xileedkeeda waxa uga hadhsan wax ka yar sannad, iyadoo wakhtigana ku hawlan sidii ay dalka uga qaban lahayd sannadka soo socda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka muddo-dhaafka, ayaa la odhan karaa waxay tallaabadan wasiir Warrancadde oo la rumaysan yahay inay kelidii ku kooban tahay, ay ku kiciso xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeedaba duufaano siyaasadeed oo aan la ogeyn waxa ay kala kulmi doonto, iyadoo looga fadhiyo xukuumadda Axmed Siillaanyo iyo goleyaasha deegaanada ee uu xisbigeedu hoggaaminayo inay muddada sannadka ka yar ee xilka uga hadhay sii laban-laabaan waxqabadkooda, gaar ahaan wax ka qabashada adeegyada bulshada ee ay ugu waaweyn yihiin waddooyinka, biyaha, caafimaadka, bilicda, iwm, balse waxaan la saaaalin karin halka uu furi doono geediga uu Wasiir Warran-cadde keligii awrka ugu heeryaystay.

Cali Warrancadde oo ka mid ahaa Kaadiriyiintii ugu waaweynayd xisbigii UDUB ee xisbul-xaakimka KULMIYE ka guulaystay doorashaddii Madaxtooyada ee ugu dambaysay, kaas oo markii UDUB baaba’day ku biiray xisbiga Mucaaridka ee Waddani, kana mid noqday xubnihiisa ugu miisaanka culus, ayaa mar kaliya u wareegay xisbiga KULMIYE, kadib markii Madaxweyne Axmed Siillaanyo uu u dhiibay xilka wasiirka Daakhiliga.