Ujeeddada Safar Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu ku tageen dalka Itoobiya

Addis Ababa (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, waxaana gegida diyaaradaha ee Bole International Airport ku qaabiley Xubno ka tirsan Guddi-hoosaadyada Golaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, Xoghayeyaasha Barlamaanka iyo xildhibaanno.

image7Weftiga Guddoomiye Cirro oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa Socdaalkoodu salka ku hayaa marti-qaad rasmi ah oo ay ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qayb-gali doonaan xuska maalinta Qoomiyaha Itoobiya oo sannadkiiba xal mar la xuso, iyada oo sanadkan lagu qabanaayo Ismaamulka Gambeela ee uu ka soo jeedo Raysal waraasaha dalka Ethiopia.

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxa ay isla maanta Duhurkii diyaarad ka raaceen garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa iyaga oo u sii jeeda gobolka Munaasibadda lagu qabanayo ee Ismaamulka Gambeela oo ka mid ah Gobollada Shucuubka Koonfureed ee dalka Itoobiya oo maalinta Berri ah lagu qabanayo xuska munaasibadda Qoomiyada dalka Itoobiya.