Ujeeddada Safar ay dalka Jabuuti ugu kicitimeen wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Dhalinayarada & Ciyaaraha

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa fiidnimadii u duulay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Ujeeddada socdaalka weftiga uu horkacayo Wasiirka dhalinyarada ayaa la xidhiidha ka qaybgalka xulka Somaliland uga qayb qaadan doona Tartanka Haaf Maaratoonka ee Wadamada Bariga iyo Badhtamaha afrika oo jimcaha soo socda ka furmi doona Magaalada Jabuuti.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye waxaa xubno ka ah Xulka Somaliland u meteli doona tartankaas,Xildhibaan Abubakar Cismaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada, La taliyaha Wasiirka Wasaaraada Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid,Xoghayayaasha Xidhiidhada Ciyaaraha Fudud iyo Olombikadda,Fanaaniin iyo Xubno kale .

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye oo warbaahinta dawlada la hadlay ayaa sheegay in mudada uu socdaalka ku joogo dalka Jamhuuriyada Jabuuti uu kulan la yeelan doono dhigiisa dalkaasi isla markaana ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada dal waxaa kale oo Wasiirku intaas ku daray inay noqon doonto markii labaad ee ay Somaliland ka qayb gasho tartan noocan oo kale ah isla markaana uu rajaynayo inay guul kala soo hoydaan.

Weftiga Wasiirka Ciyaaraha waxaa ku sii sagootiyay La taliyaha Kowaad ee Wasiirka Ciyaaraha Rashiid Cismaan Lugay ,Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Safiya Cabdilaahi iyo aqoon yahano kale.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net