Ujeeddada Mudaharaad Soomaali Tiro badan ka qayb-qaatay oo ka dhacay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (SAWIRRO)

mudaharaad (4)Strasbourg (SLpost)- Mudaharaad ballaadhan oo ay ka qayb-qaateen Muhaajiriin tiro badan oo jinsiyado kala duwan isugu jira, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay barxadda Hore ee Xarunta Maxkamada Xuquuqda Aadamaha oo ku taala magaalada Strasbourg ee waddanka Faransiiska.

Mudaharaadkan oo ay ka qayb-qaateen in ka badan 1000 Qof oo muhaajiriinta Soomaalida ee ku dhaqan Qaaradda Yurub door weyn ka qaateen, ayaa bannaan-baxayaashu kaga cabanayeen Qorshe lagaga hor-tagayo dadka magan-galyo doonka ah ee safarrada dhibaatada badan ku gaadha qaaradda Yurub, qorshahaas oo ah sidii loo xoojin lahaa isla markaana dhaqaale malaayiin Dollar ah loogu taageeri lahaa haya’dda Midowga Yurub u qaabilsan Ilaalinta Xuduudaha ee FRONTEX, iyadoo Ciidamo tiro badan oo Muhaajiriinta la dagaalamaya la soo dhoobayo badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga. Isla markaana layska indho-tiray Xuquuqda Dadkii Ka badbaaday Masiibada Badda Mediterranean-ka.

Bannaan-baxa Muhaajiriintu ka hor sameeyeen Xarunta, ayaa ku bilaabmay Laash yar oo ay dadku kaga gudbeen Webi hormara Dhismaha Maxkamadda, waxaana goobta ku sugnaa inta badan warbaahinta ugu afka dheer qaaradda Yurub oo tabinayey dhacdada maanta, sida ay shabakadda Somalilandpost.net u xaqiijiyeen qaar ka mid ah bannaan-baxayaasha ku sugnaa goobta.

mudaharaad (7)Waxa goobta hadallo kala duwan ka jeediyey shakhsiyaad hoggaaminayey Jinsiyadaha ay u kala dhasheen dadka magan-gelyo doonka ah ee isaga kala yimi waddamada qaaradda Yurub.

Dadka goobta ka hadlay waxa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Qawdhan (Maxamuud Soomaali) oo hoggaaminayey magan-gelyo doonka Soomaalida Xuquuqdooda u mudaharaadayey, waxaanu Soomalida oo isaga kala timi dalalka Jarmalka, Holland iyo Switzerland ku guubaabiyey inay halgankooda halkaas ka sii wadaan isla markaana aanay ka daalin inta ay xuquuqdooda ka helaan dalalka ay deggen yihin ee Midowga Yurub.

mudaharaad (15) mudaharaad (14) mudaharaad (13) mudaharaad (12) mudaharaad (11) mudaharaad (10) mudaharaad (9) mudaharaad (8) mudaharaad (7) mudaharaad (6) mudaharaad (5) mudaharaad (4) mudaharaad (3) mudaharaad (2) mudaharaad (1)