Ujeeddada Kulan natiijadiisu Qabyo tahay oo maanta Dhexmaray Guddiga Doorashooyinka, axsaabta Qaranka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somalilad ka taageera dhinaca doorashooyinka, ayaa Maanta kulan aan warbaahinta loo ogolayn ku yeeshay Xarunta Guddiga Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa, kaas oo lagu faaqiday dhammaystirka waxyaabaha ay ku xidhan yihiin Doorashooyinka soo socdaa ee la filayo inay qabsoomaan dhammaadka sannadka dambe.

daneeyeyaasha dorashooyinkaKulankaas ka dib markii uu soo dhammaaday, waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabihii layskula soo qaaday Guddoomiyeyaasha Kulmiye iyo UCID iyo Cabdirashiid Riyo-raac oo ka socday Xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in wada-hadaladu ku saabsanaayeen sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen xiliga loo qorsheeyey isla markaana ay weli u socdaan kulamada saddex geesoodka ah, isla markaana maalinta Berri la soo gebo-gabayn doono ka-hadalka arrintan.

“Waxa kulankan lagaga wada-hadlayey si ay doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda, kulankan waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, deeqbixiyaasha iyo Komishanka Doorashooyinka,”ayuu yidhi. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Runtii wada-hadalladii laga wadahadlayey waxay ku saabsanaayeen Diwaangalinta Doorashada iyo sidii ay doorasho inagu qabsoomi lahayd, waanay socdaan, deeq bixiyaashina way nala joogaan, waxanu filaynaa in wax wanaagsan ka soo baxo oo doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo uu ka soo baxo Berri,”ayuu yidhi.

Cabdirashiid Riyo-raac oo ka socday Xisbiga Waddani oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirkaasi saddex-geesoodka ahi uu ahaa in diwaangalinta codbixiyaashu la qabto, doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa dhawaan Iclaamisay in lixda bilood ee soo socda la samayn doono Diwaan-galinta Muwaadiniinta iyo bixinta kaadhadhka aqoosiga dhalasho, iyada oo uu ka dambeeyey kulan Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen in dalka laga qabto diiwaangelin lagu xaqiijinayo muwaadinka xaqa u leh inuu codkiisa dhiibto marka la gaadho Xilliga doorashada.

SOMALILANDPOST.NET