Ujeeddada Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Wasiirro iyo ururka Saxaafadda Somaliland + natiijada ka soo baxday

Hargeysa(SLpost) – Xubno Ka Mida Xukuumadda Somaliland Iyo Ururka Saxaafadda Ee SOLJA, ayaa maanta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada, waxaanu kulankaasi Gogol-xaadh u yahay Shir balaadhan oo loo balansan yahay maalinta Arbacada ee todobaadkan.
099A2569Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirro, waaxda garsoorka iyo Taliska Booliska, ayaa lagu faaqiday sidii meel laysula dhigi lahaa natiijooyinka ka yimaadda wararka ay baahiyaan saxaafadda ee saamaynta ku yeesha masuuliyiinta iyo sidoo kale Tacaddiyada loo geysto Saxaafadda.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo madaxtooyadu ku faahfaahisay ujeeddada kulanka, waxaanu war-qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Shirkan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo shir balaadhan oo maalinta Arbacada ee bisha May tahay 24ka loo qaban doono, sadexda qaybood ee xukuumadda, garsoorka iyo guud ahaan saxaafadda dalka, ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil kale iyo xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaas oo lagu soo qaadi doono sidii looga arrinsan lahaa meelna laysula dhigi lahaa arrimaha soo noqnoqday ee saxaafadda.
099A2569099A2565Kulankaasi oo saacado qaatay waxa ay labada dhinac si qoto-dheer uga wada hadleen Saxaafadda iyo hawlaha ay hayso, caqabadaha haysta iyo sidoo kale khaladaadka ay saxaafaddu ku dhacdo iyo sidii dhamaan arrimahaasi wax looga qaban lahaa, looguna diyaar garoobi lahaa shirka maalinta arbacada ka dhici doona Madaxtooyadda.
Wasiirada xukuumadda ee kulankaasi saxaafadda la qaatay wax aka mid ahaa, wasiiradda warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, xidhiidhka goleyaasha iyo technology-yada, Cali Xaamud Jibriil, wasiirku xigeenka madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Yuusuf Cabdilaahi Kaahin iyo taliyaha ciidanka booliska sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.”
099A2584

099A2583

099A2580

099A2578

099A2573

099A2569

099A2565