Ujeeddada Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ururrada Bulshada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabbilay Xubno ka socda Dalladda ay ku bahoobeen Ururrada Bulshaa rayidka ah ee SONSAF, waxaana kulanka lagu faaqiday sidii loogu diyaar-garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtmaha sannadka dambe.

DSC_0013Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, waxa kulanka goob-joog ka ahaa oo madaxweynaha ku wehelinayey, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubnaha ka socday dallada SONSAF, waxaana halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Kulmiye oo ku dheeraaday aragtidiisa ku aaddan Saami-qaybsiga mudaneyaasha Golaha Wakiillada, halka wasiirka Madaxtooyaduna ku dheeraaday kharashaadka diyaar-garowga doorashooyinka.

DSC_0033War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley maanta masuuliyiinta Ururada, bulshada rayidka ah ee Somaliland, SONSAF.

Madasha SONSAF oo ay ku bahoobeen, ururada madaxa banaan ee aan dawladda ahayn, (NGO’s)ururada haweenka, naafada, dadka laga tirada badan yahay, Jaamacadaha, Madax-dhaqameedka iyo culimo awdiinka, ayaa masuuliyiinta wakiilada ka ahaa waxay halkaa ku soo bandhigeen warbixin dheer oo ku saabsan geeddi socodka dimuqraadiyadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka wakhtigan xaadirka diiwaan galinteedu dalka ka socoto.

Waxay si luxdan u faah-faahiyeen doorashooyinka abaabulan ee horraanta 2017 ee hadda codbixiyaashu isku diiwaangaliyaan, iyo shaqooyin ka ay ka soo qabteen, diiwaangalinta iyo wixii ay qabyo u arkaan, iyo caqabada wixii mustaqbalka.

????????????????????????????????????

Waxa kaloo ay raaciyeen siyaabaha caqabadahaas ay u arkeen in lagaga gaashaaman karo.

Ugu horreyn-Mustafe Sacad Dhimbiil oo ah gudoomiyaha Dallada SONSAF ee ay ku bahoobeen ururada bulshada rayidka ee SONSAF iyo Maxamed Faarax Xirsi, Gudoomiyaha Akademiga Nabadda iyo horumarka ayaa xukuumadda u hoggaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo uga mahadnaqay sida ay uga go’antahay kobcinta iyo horumarinta diimuqraadiyadda dalka, waxa kaloo ay xuseen masuuliyiintani lacagta ay dawladdu ku darto kharashka diiwaangelinta codbixiyeyaasha inuu yahay mid inta badan culayskiisu ku dhaco Xukuumadda, xukuumadduna ay bixiso meeshay ka heshaba ha ka keente,.

Waxay soo jeediyeen masuuliyiintu in laysku tashado qaran ahaan sidii doorashadu u noqon lahayd, mid aynu u madaxbanaanahay ummad ahaan, muddada aynu u qorshaysanayno ku qabsoonta.

Waxa kaloo ay ka mahadnaqeen qaabilaadda madaxweynuhu qaabiley, iyo masuuliyiinta sareba oo sheegeen inay ahayd markii saddexaad ee madaxweynuhu qaabilo ururada bulshada rayidka ah oo ay ku tilmaameen inay tahay texgelin iyo muujin wadashaqaynta xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulanka madaxweynaha ka hor ka hadlay ayaa ururada bulshada rayidka ah uga mahadnaqay talooyinka iyo xogaha muhiimka ah ee waddaninimo ee ay soo bandhigeen iyo guud ahaanba sida ay qayb uga yihiin dhismaha qaranka iyo geeddi socodka dimuqraadiyaddaa dalka.

Wasiirku wuxu u daadegay inuu ka hadlo kharashka ku baxa diyaar garawga doorashada, kana mid tahay kharashka diiwaangalinta codbixiyeyaasha, waxanu yidhi “Waxaynu nahay qaran gaamuray oo hadda 25 sano jirsaday, Waxa loo baahan yahay inaan isku tashi ka samayno kharashka ku baxaya doorashooyinkeena, iyo u diyaar garawgooda oo aan innagu lahaano.

Waxa lagama maarmaan ah in miisaaniyaddeenna in ka mid ah sannad walba aan keydinno, inaan ku darsanno qorshaha shanta sano ee soo socda, kharashka doorashooyinka inngaga bixi kara, si aan u helno doorashooyin aan masuuliyadooda iyo kharashkiidaba inagu leenahay oo aan u madaxbanaanahay”

Wasiirku wuxu tafaasiil ka bixiyey kharashaadka ilaa hadda xukuumad ahaan ay ku dareen diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sida kharash ka soo baxay markii diiwaangeinta loo hakiyey abaartii, iyo kharashaad ay keeneen sicir bararka ku dhacaaya lacagta Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna fadhiga ka hadlay ayaa rayi ka soo jeediyey qodobka ku saabsan doorashada ee maalmahan jira ahna mid adag kaas oo ah sami qaybsiga golaha wakiilada, oo ay ururada bulshadu ku so dareen warbixintooda soona jeediyeen in talo qaran laga gaadho doorashada ka hor, waxaanu markuu arrintaa ka hadlaayey gudoomiyuhu yidhi “Anigu waxan odhan lahaa in saami qaybsiga golaha wakiilada in golaha wakiilada isaga uuni uu go’aanka qaato waxay ka maaransiin waydo. Si kale oo dhan waxa u arkaa in lagu heshiiyaa saami qaybsigaasi inay adkaanayso, wakhtigeediina aan la joogin”.

Madaxweynaha oo fadhigaa soo gunaanaday ayaa hadal kooban oo dardaaran u badan halkaa ka soo jeediyey, kaasoo ku saabsanaa in ururada bulshada rayidka ahi ay sii laban laabaan doorka ay ka qaataan geedi socodka dimuquraadiyada dalka, waxana ka mid ahaa hadaladiisi “Waxaan u mahad-naqayaa Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo hawlo muhiim ah ka qabta nidaamkeenna doorasho. Waxaan kale oo aan idinku mahadnaqayaa Warbixinta faahfaahsan ee aad iga siiseen hawlaha ina sugaya marka ay noqoto labada Doorasho ee aynu qaban doonno horraanta sannadka 2017-ka. Bulshada Rayidka ah waxaan u soo jeedinayaa in ay sii kordhiyaan doorkooda ku aaddan doorashooyinka iyo fududeynta arrimaha masiiriga ah ee Qaranka”.

Markii kulanku soo dhamaaday waxa warbaahinta warbixin siiyey Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), wasiirka warfaafinta mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Gudoomiyaha Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Mudane  Mustafe Sacad Dhimbiil.”