Ujeeddada Kulan Maayar Caasimaddu la qaatay Guddiyada Ganacsatada Suuqyada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay weheliyaan Maayar-kuxigeenka CabdiCasiis Maxamed Xaashi, Xoghayaha Fulinta Mawliid Weris C/Laahi iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa dorraad shir muddo saacado ah qaatay kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa Guddiyo ka socotay ganacsatada Suuqa Hargeysa gaar ahaanna Hilibleyaasha iyo bacadleyaasha.

Kulankan ayaa si wadajir ah loogu gorfeeyay sidii loo suurtogelin lahaa in dabdamiska caasimaddu gaadhi karo badhtamaha suuqa Hargeysa haddii ay mushkiladaha dabku qabsadaan ganacsadeyaasha badeecadaha kala duwan ku iibiya faras-magaalaha, oo ay inta badan xidhan yihiin jidadka ay gawaadhidu u maraan.

Cabdiraxmaan-Soltelco-300x300Sida uu soo tabiyey madaxa xafiiska warfaafinta ee Dawladd Hoose Siciid Maxamuud Gahayr, shirkan ayaa daba-socday kulan ay bishii hore qabteen Guddiga Horumarinta Hargeysa iyada oo ay Dawladda dhexe ku deeqday $200,000, dawladda hoosena ay $100,000 ku bixisay hagaajinta iyo horumarinta adeegga dab-damiska Hargeysa, ayaa waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Culimada waaweyn ee caasimadda  oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Aadan Muxumed

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo shirka soo xidhay ayaa soo dhaweeyay kulan, waxaanu ballan-qaaday inay wada-shaqayn joogto ahi ka dhexayn doonto Guddiyadan ka socotay ganacsatada suuqa Hargeysa, iyada oo uu hadafkuna yahay sidii looga taxaddiri lahaa musiibooyinka ka dhasha dabka.

SOMALILANDPOST.NET