Ujeeddada Kulan Guddoomiyaha Saaxil la yeeshay Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee Gobolkaas

Berbera (SLpost)- Shir Toddobaadle ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Guddoomiyo oo ay isku-xog-waraystaan Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ee heer gobol iyo Degmo, waxaa kulankooda maanta kala qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.

DSC00079Shirkaas oo lagu qabto xarunta Maamulka gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, ayay Madaxda Laamaha dawladda gobolka Saaxil ee fadhigoodu yahay Berbera iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa ka qaybgalay kulankaas maanta, waxaana uu sheegay in Guddoomiyaha Saaxil Mr. Fahmi in kulankooda maanta diiradda lagu saari doono, arrimaha Laydhka iyo Biyaha maaddaama oo ay Berbera tahay Xeeb u nugul biyaha iyo Korontada, wakhtigan Ramadaanta lagu jiro oo ku soo beegantay xilligii Xagaaga ee Kulaylku badnaa ay muhiim tahay in wax la iska weydiiyo.

Waxa wax la iskaga weydiiyey in si gaar ah loogu dedaalo helitaanka Biyaha iyo Laydhka iyo inaanay ka kala go’in qaybaha kala duwan ee magaalada wakhtigan hadda lagu jiro maaddaama oo aad loogu baahi badan yahay Laydhka iyo Biyaha. Waxaanu Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar u soo jeediyey Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil inay dhawaraan saacadaha shaqada, oo ay weliba si gaar ah u dhawraan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wakaaladaha Biyaha iyo Laydhka.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Maamulka gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil isugu xidhan yihiin iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah ka wada-shaqaynta horumarinta adeegyada ay Bulshada iyo Qaranka Masuulka uga yihiin.

Waxa uu Wasiir Ku-xigeenku u soo jeediyey in lagu dedaalo in arrimaha nabadgelyada iyo horumarintoodana ay ku dedaalaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Saaxil iyo xarunta gobolkaas ee Berbera, maaddaama oo sida uu sheegay nabadgelyadu tahay shayga ugu muhiimsan ee sahlaya wada-shaqaynta ka dhaxaysa, habsami-u-socodka Hawlaha ay Qaranka iyo Bulshada u hayaan iyo wada-noolaanshaha Bulshada-ba.