Ujeeddada Kulan dhexmaray Hay’adaha Doorashooyinka Qaabilsan iyo Qaybaha Siyaasadda ku loolamaya

Hargeysa (SLpost)- Kulan balaadhan ayaa maanta magaalada Hargaysa waxa uu si wada jir ah ugaga furmay Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Gudiga Diiwaangelinta, Xisbiyada Qaranka iyo ururada siyaasadda kaasi oo lagu falan-qeynayay shaqada kormeerayaasha Doorashooyinka..

Kulankan oo ay soo xaadireen gudoomiyayaasha iyo madaxda sare ee Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee qaranka ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd, sidii loo tababari lahaa kormeerayaasha Doorashooyinka ee ka socda Axsaabta iyo ururada siyaasadda oo ay weheliyaan kormeerayaasha gudida doorashooyinka ee goobaha codbixinta.

Guddoomiyaha gudida Doorashooyinka Eng. ciise Yusuf xamari oo hadal ka jeediyey kulankaasi waxa uu sheegay inay ahmiyad weyn leedahay sida uu Qofka kormeeraha doorashooyinka noqonayaa u ogaan lahaa waxa uu kormeerayo, sababta uu u kormeerayo iyo sida uu u hawshaas u gudanayo,waxa uu Gudoomiyuhu xusay in tababarka la siinayo Kormeerayaasha ay ka  gacan siisay Hay’adda IRI, inkastoo uu hoosta ka xariiqay gudoomiyuhu inay gudida doorashooyinku dareensan yihiin in waxyaabo badani qabyo ka yihiin hawshan.

Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar Ciyaale oo ka hadlay kulan hawleedkaasi ayaa sheegay in tababarkan la bixinayaa uu wax weyn ka tarayo sida loo faham siin lahaa ururada iyo axsaabta qaabka ay ula soconayaan hawsha doorashada iyo sida xeerarka doorashooyinka looga qeexi lahaa dhalinyarada aan soo marin doorashooyin hore taasoo ay soo raacdo sidii kormeerayaasha loo siin lahaa tababar ku filan oo saamaxaya xafidaada iyo fulinta waajibaadkiisa.

SomalilandPost News

Hargeysa, Somaliland