Ujeeddada Kulan Dhexmaray Guddi ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka Socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha gaar ahaan Guddida kormeerka iyo Qiimaynta Dawladaha Hoose ee dalka.

Guddida oo uu Hoggaaminayay Agaasimaha Gobollada iyo Degmooyinka ee wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Cali Daalin iyo lataliyaha wasaaradda ee dhanka mashaariicda JPLG Maxamed Jaamac Maygaag, waxa ay kulan la qaateen Xoghayaha Fulinta ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Cali Maxamed Nuur, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Maxamed Maxamuud Axmed iyo Xildhibaan Jamaac Cismaan Cabdilaahi oo ah guddoomiyaha Guddiga ka-garnaqa Dacwadaha Dulka.

Ujeeddada Kulankan oo ahayd Qiimeyn guud ayaa ku saabsanayd sidii maamulka Dowladda Hoose warbixin uga siin lahaa Guddida Wasaaradda Arrimaha Gudaha halka uu marayo Mashruuca Horumarinta Degmada Hargeysa.

Kulanka ayaa qayb ka ah Qiimeyn saddex biloodle ah oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ku marto Dowladaha Hoose ee dalka si ay Wasaaradu ugu kuur-gasho habsami-u-socodka adeegyada Bulshada ee maamullada degmooyinka.

Somalilandpost.net