Ujeeddada Kulan Deg-deg ah oo Madaxweynaha Somaliland la qaatay Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedka dalka

????????????????????????????????????Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan deg-deg ah la yeeshay maanta Shir-guddoonka Golaha Guurtida, Xildhibaanno Golahaas ka tirsan, Xubno Madax-dhaqameed ah iyo Xubno ka tirsan Wasiirradiisa.

Kulankan deg-degga ah ayaa lagaga wadahadlay sidii looga hawlgeli lahaa xal u helidda Colaad toddobaadkii hore deegaanka Dharkayn-geenyo oo ka tirsan gobolka Sool ku dhex-martay laba Beelood oo deris-wadaag ah, taas oo sababtay in khasaare dhimasho ahi soo kala gaadho labada beelood.

????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kala hadlay Xubnaha kala duwan ee ka qaybgalay kulankan uu isugu yeedhay in colaadda Dharkayn-geenyo tahay mid halis ah oo u baahan in si dhakhso ah gurmad looga galo deminteeda iyo nabad ku soo dabbaaliddeeda, waxaanay dhinacyada kulanka ka qaybgalay ka hadleen arrintaas, isla markaana halkaas Madaxweynuhu ku magacaabay Ergo ka hawl-geli doonta Shaqaaqadaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax).

War-Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kulan degdega ugu qabtay xubno ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee dalka qasriga Madaxtooyada maanta oo ay taariikhdu tahay 13.06.2016.

Kulankan ayaa madaxweynu wuxu ku dirayey ergedii ugu culus ee dalka oo isugu jirta mudanayaal ka tirsan golaha guurtida iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee dalka oo ah salaadiin iyo boqorro, kuwaas oo lagu xoojinayo gurmadkii bakhtiinta colaadda Dherkeyn-geeyo ee koonfurta Sool, ee uu hore ugu diray Madaxweynuhu, halkaaso laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartay iska horimaad dhaliyey khasaare lama filaan ah oo ballaadhan.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha oo la hadlayey ergada uu dirayo ee xoojinta ah, ayaa ku tilmaamay colaadda halkaasi ku dhexmartay labada Ardaa ee wada dhashay mid aan halis ku ahayn oo keliya gobolkaasi, balse ay tahay mid ku fidi karta dhul ballaadhan, khasaare intii hore ka badanina ka dhalan karto.

Isagoo arrintaasi ka sii hadlaya Madaxweynuhu wuxu xusay in gurmad hore uu diray halkaasi ciidankana uu amray inay kala dhexgalaan, arrintaasina shaqaysay laguna guulaystay, balse uu gartay in loo dhammaado daminta colaadaasi, iyaguna ay yihiin xoojin gurmadkii hore, si arrintaasi halkeeda loogu qabto.

Madaxweynuhu wuxuu u sheegay ergeda inuu u arko dhibaatada halkaasi ka dhacday mid keenaysa dhibaatooyin kale oo ka sii farcama, sida durba dhacday, oo ay ka mid tahay barakac dadka soo gaadha, taasina ay qaranka ku tahay dhaawac.

Dardaaran uu u jeediyey ergeda, madaxweynuhu, wuxuu ku soo khatimay hadalkiisa “hawlgala oo isagu taga bakhtiinta dhiiladaasi, waayo nabadgelyada dalkeena ayaa ku xidhan, Alle ha idinku guuleeyo annaguna waxba kala hadhi mayno, waanna idinku garab taaganahay, sidii loo soo afjari lahaa mashaqada”.

Gudoomiyaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey gurmadka uu ku joojinayo dhiiga walaalaha ah, isagoo intaasi raaciyey inay gole guurti ahaan waxba aanay kala hadhaynin in aan dhibaatadu halkaasi dhaafin.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna kulanka ka jeediyey warbixin koobaysay ilaa hadda gurmadka xukuumaddu mashaqadaasi kaga hawlgashay iyo sida uu u fulay amarkii madaxweynaha ee hore, isagoo xusay in qayb libaax ay qaateen ciidamada qaranka oo kala dhex galay ardaayada diriray, isla markaana baajiyey  khasaare intii hore ka badan oo dhaca.

Waxa kale oo uu wasiirku faah-faahiyey sida ay arrintu ku bilaaban tahay iyo ilaa hadda khasaaraha dhacay iyo sida uu u dhacay khasaarahaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxweynuhu hawlgeliyey hoggaan dhaqameedka beesha guud ee labada ardaa ka tirsan yihiin, iyo in lagu guulaystay joojinta dhiigi qubanayey arrintuna ay meel wax laga qaban karo marayso, ergeda uu Madaxweynuhu maanta isugu yeedhayna ay daarran tahay sidii si buuxda loogu dhamayn lahaa dhibaatadaasi.

Xubnaha hoggaan dhaqameedka kulanka ka qaybgalay oo matelayey gobolada dalka oo dhan oo madaxweynaha hortii hadlay ayaa sheegay in gurmadkani yahay mid qaranimo, mid islaamnimo iyo mid walaalnimo, waajibna ay tahay in degdeg wax looga qabto. Waxaanay intaasi ku dareen in aanay waxba kala hadhayn intii waayo arragnimadooda ah, daacadnimana ay ku gelidoonaan waxka qabashada colaadaasi.

Waxanay bogaadin u soo jeediyeen madaxweynuhu gurmadka uu arrintaasi ka gelay, iyagoo tilmaamay in ay dardaarankaa madaxweynuhu faray ay ku hawlgeli doonaan.

Kulanku markii uu soo dhamaaday xubno isagu jira guurtida iyo hogaan dhaqameedka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka durraantay dadka dhibaatadu dhex martay in aanay halkaasi dhaafin colaaddu oo la is xakameeyo, Illaahayna laga yaabo  iyadoo lagu jiro bil Ramadaan, iyagana lagu simo xaajada oo ay soo dhaqaaqeen ergo ahaan.

Kulankan Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Cali Axmed.”

DAAWO MUUQAALKA KULANKA MAANTA KA DHACAY MADAXTOOYADA