Ujeeddada Kulamo Dhexmaray Guddi Wasiirro ah iyo Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka Saaxil

Berbera (SLpost)- Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo ka kooban Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta kormeer ay ugu kuur-galayaan heerka dakhli-ururinta iyo wax-soo-saarka ku maray ilaha dhaqaale ee gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.

Ujeeddada Kulamo Dhexmaray Guddi Wasiirro ah iyo Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka SaaxilGuddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Maxjarrada xoolaha lagu xannaaneeyo, Haamaha Keydka Shidaalka iyo Dekedda magaalada Berbera, waxaanay kulamo la yeesheen masuuliyiinta goobahaa ay kormeerka ku mareen oo warbixinno ku saabsan shaqaada ay qaranka u hayaan ay ka dhegaysteen.

Guddigu sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen ganacsatada gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera oo ay ka wada-hadleen sidii kor-u-qaadis loogu samayn lahaa Dekedda magaalada Berbera.

Hoggaamiyaha Weftiga Wasiirrada ah, Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo markii ay guddigu korkeerkooda dhammeystreen warbaahinta la hadlay, ayaa uu tafaasiil ka bixiyey natiijada kulamo dhexmaray madaxda waaxaha dawladda ee ay kormeerka ku mareen iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen xubno ganacsato ah oo guddigu kulan la yeelatay.

Md Samaale oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Waxaanu u nimi inaanu eegno dekedda, waxaanu u nimi inaanu eegno Kastamka, waxaanu u nimi inaanu eegno qaybaha kala duwan ee hawlaha ka socda gobolka, hadday tahay Maxjarrada, hadday tahay haamaha iyo meelaha kale ee shaqooyinka kala duwan u haya qaranka.

Si gaar ah guddigu waxay dareen iyo taloba u waydiinaysa baayac-mushtartka gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera oo runtii talooyinka ay wadiinaysay ay ugu muhiimsan yihiin sidii dekeddeena loo weynayn lahaa baaxaddeeda.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay masuuliiin ka tirsan laamaha ilaha dhaqaale ee dalka oo ka warbixiyey baahiyaadka dhinaca adeegyada ay bulshada u hayaan iyo wax-qabadyada ay ku tallaabsadeen.

Kormeerka Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, ayaa noqonaya kii labaad ee ay ku maraan gobollada dalka, iyaga oo dorraad kormeer ay ugu kuur-galayaan nidaamka dakhli-ururinta ilaha dhaqaale ee dalka ku tagay gobolka Gabiley oo ah gobolka labaad ee dakhliga ugu badan uga soo xeroodo dawladda marka laga reebo magaalada Berbera ee ay maanta booqashada ku tageen oo ah isha dhaqaale ee ugu badan dalka.

Somalilandpost.net