Ujeeddada kormeer ay Wasiirka Waxbarashadu ku marayso Gobollada Galbeed ee Dalka

wasiiir samsamBorama (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliso Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ee NOW Marwo Aniisa Nuur Cigaal iyo saraakiil kale oo wasaarada waxbarashada ka tirsan, ayaa shalay kormeer shaqo ku sameeyay gobolada galbeedka Somaliland.

Wasiir Samsam ayaa ku hakatay Degmada Arabsiyo halkasi oo ay saldhigga booliska ee degmadaas ku wareejiyeen deeq kumbiyuutaro ah oo hore loogu balan qaaday, waxana ay iyada oo gudoonsiinaysa Kumbiyuutaradaasi tidhi, “Kumiyiitaradani waxa ay qayb ka yihiin balanqaadkii uu Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u sameeyay saraakiisha saldhiga markii uu kormeerka ku marayay gobolka Gabilay, waan idin soo gaadhsiinay, waxaana aan filayaa inay wax badan ka tari doonto shaqada dhinaca amniga ah ee aad umada u haysaan”

Wasirka Waxbarashadda ayaa waxa ay sidoo kale soo martay gobolka Gabilay halkaasi oo ay kulan kula yeelatay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Gabilay, waxana ay kala hadashay sidii loo dardar galin lahaa waxbarashada isla markaana la isaga kaashan lahaa in tayada waxbarashada ee gobolka laga dhigo mid saraysa.

Wasiirka  ayaa u sii baqooshay dhinaca gobolka Awdal, waxana kaga hortagay duleedka magaalada Dila Saraakiisha Waxbarashada ee gobolka Awdal iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxaana wafdiga loo galbiyay dhinaca magaalada Boorama.

Markii ay gaadheen Boorama waxa ay wasiirku kormeertay xarunta guddoonka waxbarashada ee gobolka Awdal, waxaana ay halkaasi kulan kula yeelatay madaxda guddoonka Waxbarashada, iyada oo halkaas kaga dhegaysatay warbixin ku saabsan waxabarashada gobolka Awdal, waxaana ay ku dardaarantay in loo hawl galo sidii waxbarashada gobolka kor loogu qaadi lahaa.

Galinkii dambe ee shalay waxa ay Wasiir Samsam iyo wafdiga ay hogaaminaysay ka qayb galeen ciyaar Final ah oo dhex maraysay labada kuliyadood ee Freshman-ka iyo Education-ka ee jaamacada Camuud, waxana lagu wadaa inay maalinta berri ka soo amba baxdo gobolka Awdal.