Ujeedada Socdaal Ay Guddida Doorashooyinku Ugu Baxeen Gobollada Bariga Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Wefti balaadhan oo ka kooban xisbiyada, xukuumadda iyo guddida doorashooyinka qaranka ayaa socdaal ugu ambabaxay gobollada bariga Somaliland.Komishanka

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur-galo xaalada diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan goballada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada ammaan ee deegaamadaas.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Guddida doorashooyinka Somaliland oo soo gaadhay xafiiska wararka ee Somalilandpost ayaa u qornaa sidan:-

“Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Weftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.

Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:

  1. Gudida Komishanka Qaranka.
  2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
  3. Wasaarada gaashaandhiga.
  4. Wasaarada arimaha gudaha.
  5. Golaha guurtida.
  6. Golaha wakiilada.”