Ujeedada Kulan Guddid Doorashooyinku Iskugu Yeedhayo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi

(SL.Post) Guddida doorashooyinka qaranka, ayaa kulan toddobaadkan isugu yeedhaya saddexda Guddoomiye xisbi qaran oo sidoo kale ah saddexda murashax ee KULMIYE, Waddani iyo UCID.

2016628636027268348700700dsc_0115

Guddida doorashooyinka, ayaa inkastoo aanay soo saarin war rasmi ah, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska  Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay u sheegay inay xisbiyada gaadhsiiyeen codsi ay saddexda guddoomiye kaga dalbanayaan inay ka soo qayb galaan kulan xarunta guddiga doorashada ka qabsoomaya 5 January 2017 oo ku beegan khamiista toddobaadkan.

Kulanka ayaa la filayaa inay guddiga doorashooyinku ku soo bandhigaan natiijada uga soo baxday socdaalo ay ugu baxeen gobalada dalka oo ahaa mid qiimayn ah oo ay ugu kuur galeen qaabka ay dadkii isdiiwaangeliyay goobahoodii ugu gaadhsiin lahaayeen kaadhadhka cod bixinta oo hadda ay daabacooda ku jiraan. Deegaanada ay soo mareen ayaa waxa intooda badan ka taagan abaar hayaamisay dadkii hore isu diiwaangeliyay.

Kulankan khamiista qabsoomaya ayaa lala sugayaa inuu ka soo qayb galo guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo la filayo inuu maalmahan ka soo noqdo safar uu dalka dibadiisa ugu maqanyahay.

Gobalo badan oo Somaliland ka tirsan oo u badan gobalada bari ee dalka, ayaa waxa ka taagan abaar aad u adag, waxaanay dadkii iska diiwaangeliyay gobalada bari u hayeemeen gobalada galbeed ee dalka.

 

Somalilandpost.net