Uhuru Kenyatta oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Kenya iyo Mowqifka Odinga ka istaagay Natiijada lagu dhawaaqay

Nairobi (SLpost)- Guddiga doorashooyinka dalka Kenya, ayaa cawaysinkii caawa si rasmi ah u shaaciyey natiijada doorashadii ee dalkaas ka qabsoontay 8-dii bishan Ogosto 2017-ka, taasoo ay sheegeen inuu ku guulaystay Madaxweynihii hore ee dalkaas Uhuru Kenyatta Aqlabiyadda Codadkii Shacabka Kenya bixiyeen.

Musharraxan oo ka tirsan Xisbiga Jubilee, ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka Musharraxa Isbahaysiga Mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyey. Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadu, balse Kormeereyaasha caalamiga ah, ayaa ammaanay Guddiga doorashada iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Uhuru Kenyatta reelected 2017Isbeheysiga Mucaaradka Kenya, ayaa sheegay in aanay Maxkamad tegi doonin oo aanay dacwaddooda u gudbin doonin. Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa hore u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada. Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto, sida aannu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka soo xigannay.

Uhuru Kenyatta, oo ka soo jeeda Qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.Dacwadahan waxay la xiriiraan rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.

Kiiska maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ayaa la baabi’yay kadib markii loo waayay cadaymo iyo markii ay dhinteen goobjoogayaashii muhimka ahaa ama la waayay. Laakiin dhaawacyadii qowmiyadeed ee hore ee dib loo furay wali si dhamaystiran looma tiiraanyo bixin.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net