Uhuru Kenyatta oo Hoggaaminaya tirada Codadka la dhiibtay iyo Murashaxa ku guulaystay oo Dhowr Saacadood ka dib la Shaacinayo

Nairobi (SLpost)- Raysalwasaare ku-xigeenka dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u muuqda inuu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka Kenya, isaga ku horreyaa Farqi aad laysugu dhowyahay, sida ay tilmaamayaan natiijooyinka gobollada ee la tiriyey.

uhuruUhuru Kenyatta oo uu dhalay madaxweynihii u horreeyey ee dalkaasi Jommo Kenyatta, ayaa sida ay shaaciyeen guddida doorashooyinku, waxa uu haystaa codad gaadhaya 6,173,433 (Lix milyan Boqol todobaatan iyo saddex kun iyo Afar boqol soddon iyo saddex) ka mid ah 12,338,667 tirada codadka ansaxay ee la tiriyey, taas oo u dhiganta boqolkii 50.03 codadka la dhiibtay, halka ninka ay aadka isugu dhow yihiin ee Raila Odinga uu ka haysto  5,340,546 oo ka mid ah tirada codadka guud ee ansaxay ee 12,338,667 oo laga dhiibtay 291 degmo-doorasho oo codka laga dhiibtay.

Natiijadan ayaa muujinaysa xaalad cusub oo la soo gudboonaata dalka Kenya, iyada oo ay dhici karto in Raila Odinga uu sharciga tiigsado isla markaana ku gorgortamo natiijada.

Guddida Doorashooyinka ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa inay natiijada rasmiga ah shaaciyaan maalinta Sabtida ah abbaaro 11-ka barqanimo, taas oo lagu ogaan doono natiijada Rasmi ah iyo murashaxa ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Kenya.

Somalandpost.net/London