Uganda oo ka Warwarsan Weeraro Alshabaab ku soo Qaado

Kampala(SLpost)-Laamaha amaanka dalka Uganda ayaa ka cabsi qaba ,weeraro uga yimaada ururka Al shabaab  ee ka dagaalama dalka Somaliya, iyagoo sare u qaaday dhaqdhaqaayada lagu sugayo amniga dalkaasi, kadib weeraradii Jimcihii ka dhacay dalka Faransiiska ee ay dadka badan ku geeriyoodeen.

Afhayeenka Booliska Uganda Fred Enanga ayaa sheegay in ciidamo dheeri ah la geeyay caasimada Kampala, gaar ahaan xarumaha muhiimka ah, sida Garoonka diyaaradaha Entebe.

“Ma xamili karno waxyaabihii ka dhacay Paris, waxaan sare u qaadnay ammaanka dalka si ay uga nabad galaan dadkeena weeraro argagixiso” ayuu yidhi Fred Enanga oo u waramay warbaahinta Shiinaha Xinhua

Waxaa uu sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen Ammaanku ay tahay, in aanay  wax khal khal ah  ku iman booqashada Wadaadka Diinta Masiixiga ee Pope Francis oo la filayo in dhamaadka bishan uu booqasho ku tago dalal ku yaall Bariga Afrika oo ay ku jirto Uganda.

Dawladda Uganda oo kumanaan ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya ayaa hanjabaado joogta ah kala kulmeysa Al-Shabaab, iyadoo sanadkii 2010 weeraro ay ku dhinteen illaa 70 ruux ay ka dhaceen Caasimada Kampala, taasoo Mas’uuliyadeeda ay sheegatay Al-Shabaab.