Uganda Oo Joojinaysa Tababarrida Ciidamada Soomaaliya

Kampala(SLpost)- Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay joojinayso tababarrada ay ciidamadeeda ku sugan Somalia siiyaan ciidamada dawladda Somalia oo ay in muddo ah wadday.

Warbixin kasoo baxday xukuumadda Kampala oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa lagu sheegay in madaxda Uganda ka doodeen sida uu u socon karo qorshaha lagu tababarro ciidamada dowladda Somalia.

Sidoo kale, ujeedka ugu weyn ee xukuumadda Uganda u joojinayso tababaridda ciidamada Somalia waxaa lagu sheegay inay tahay cabsi laga qabto in ciidamada marka tababbarka u dhammaado ay ku biiraan Al-shabaab ama ay goostaan.

“Xukuumadda Uganda waxay joojinaysaa tababaridda ciidamada Somalia oo ka mid ahaa qorshaheeda ay qaybta uga tahay howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa laga soo xigtay in tiro badan oo askartii ay tababareen ka mid ah aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen, taasoo keenaysa in shaqada la joojiyo; iyadoo uu jiro heshiis ay QM og-tahay oo ah in la tababaro ciidamada Somalia.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa ku doodaysa in sababta ay u joojinayso tababaridda ciidamada Somalia ay tahay inay ka cabsi qabaan inay goostaan; haddana waxaa jira culeys dhaqaale oo howlgalka AMISOM haysta xilligan.

Ugu dambeyn, mar hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Uganda ay magaalada Muqdisho ku tababareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan; taasoo keentay in saraakiil Uganda u dhashay maxkamad lagu soo taago arrintaas