Ugaaska Beesha Subeer Celi (Arab) oo u Hanjabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe

 

Hargeysa (SLpost)- Ugaaska Beesha Subeer Celi (Arab), ayaa ka hadlay khilaaf u dhexeeya Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cali Ibraahim Jaamac iyo Warbaahinta HadhwanaagNews, taas oo sababtay in guddoomiyuhu dacwad ka gudbiyo hadhwanaagNews iyo Suxufiyiin ka hawl-gasha.

Suxufiyiinta uu guddoomiyuhu dacweeyey, ayaa muddo todobaad ah xidhinaa ka hor intii aan dammaanad lagu sii daynin markii dambe, halka shabakadda HadhwanaagNews ay maxkamadda gobolka Maroodijeex soo saartay waaran lagu socodsiiyey shirkadaha isgaadhsiinta oo ka xannibay in Internetkooda dalka gudihiisa laga booqdo.

Hadalka uu Ugaasku arrintan kaga hadlay oo u muuqda cod la duubay oo laysugu gudbiyey baraha bulshada, waxa uu u muuqdaa mid uu kaga daba-tagay dhacdadaas isla markaana uu guddoomiyaha ku durayo tallaabada uu qaaday.

Halkan Hoose ka dhegayso Hadalka Ugaaska