Udub-dhexaad: Suugaan Maamuus U Ah Waalid. W/T Siciid Maxamuud Gahayr‏

siciid maxamuudWaa ehelkay iyo adeerkay rumaad, Ilaahay ha ku nooleeyo nabad. Marka laga yimaaddo hooyaday Hodan Cabdi Cilmi, Qof aan arko isaga ayaan u jecelahay. Wuu iga samaystay, wuxuu iigu jiraa kaalintii Marxuum Maxamuud Gahayr. Sida Soomaalida, ma jecli in aan qof ammaano marka uu xabaalaha galo annaga oo nool ayaan xus iyo maamuus dusha u saarayaa. Gabaygani waxa uu qiraal iyo milge u yahay adeerkay Khadar Maxamuud Jaamac (Khadar Beyle), maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways, xafiiskeeda Somaliland. Waxa aanan qof ahaan illaawin doorkii uu ka qaatay safarkii aan ku tegay dalka Baakistaan oo rabay in aan waxbarasho Culuumta Caafimaadka ah ka barto sannadkii 2007da, markii ay hirgeli weyday waxa uu yidhi “Adeer Shiinaha aanu kuu dirno”. Aniga oo culayska la diiddan ayaan idhi “adeer, Jaamacadda Hargeysa ayaan geli. Carruurta aanu walaalaha nahay oo  agoon ah, da’ ahaanna yar ayaan ka war hayn doonaa”.

Ma illaawo doorka uu ugu jiro qoyska, qaranka iyo qof ahaanba kaalin-qaadkayga. Waa ragga inta badan dusha u ritay daabacaadda Diiwaanka Samo-talis: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.  Waa nin deeq iyo dayro leh. Waa nin wacadka ilaaliya, waa nin hadalkiisa rumeeya. Waa nin aqoonnin soo laabo iyo ballan-burin. Sannadkii 2014ka waxa uu dhammeeyay khilaaf noo dhexeeyay dugsiyo waxbarasho. Haddii ay diintu ina fartay in aynu xigaalka xidhiidhinno, waa shakhsi laf-dhabar u ah gudashada waajibaadka saaran.

 

Waa kuwan meerisyadii gabaygu:

 

Haddii aan adeer runa u qiro, wuu istaahilaye

Halkii aabbo Maxamuud Gahayr, awdday qaayaha’e

Akhyaar kale, ilaaq qaar wadaa, eegga duufsadaye

Adhaxdiyo jidhkaygaad u tahay, udub-dhexaadkiiye

Araggiyo naftaa kugu farxoo, uursamaan leda’e

Waxad tahay ugaas iyo halyey, aarka madaxdaaye

Adigaa Ilayskii cilmiga, noo iftiin shidaye

Ardaydaad xilqaaddaa dhawaan, loo abshirayaaye

“Ubax baad tay, aayaha barbaar, laga dhex eegtaaye

Awlaadso diintaa leh sharaf, Eebbehaan faraye”

 

Asluubta iyo waanadu naftay, olol ka biiyeene

Afar-midabale adigaan ahayn, aynabaad gacale

Adigaa axdiga dhawritaan, oofsha wacadkiiye

Adigaa agoontiyo u roon, uun-sabool-dhacaye

Ololaha markii loo kacaca, waad agaasimiye

Adigay astaamaha gobeed, yeeshay idilkoode

 

Islaamkaad tay geestii la dayo, ubaxa khayraade

Af-legaaddo adigaan i odhan, tay addimayaane

Intaad uunka nooshahay marnaba, kuma illaabeene

Ubadkiyo dhashaadana abaal, wuu anfacayaane

Aakhiro Raxmaankaa jannada, oodda kaa rogiye

Kuwa oonka diihalayiyo, aafo yaad marine

Wixii aad abqaashuu Ridwaan, kuugu odayayne

Udgoonii Rasuulkuna samaa, waw ergayn garabe

Inta xawdka aaddaad ahaan, ulasho rayrayne

 

Anigoo ujeeddooyin raba, ayni lagu doono

Eber iyo adaan goor i dirin, oohin-ciil keliye

Ufo iyo sidii roobka da’ay, waw abshirisaaye

Haddaan eersanlaa dumar runtii, way abhinayseene

Ereygaaga wuu ii rumayn, Eebbe dulucdiiye

Asaaggayna heegaan ka mari, aasha guulaha’e

Waan adkaysan gooraha ad-adag, aaminkaa xigiye

Ogsoonaanta dawgaad martaan, eeggadaa mariye

 

Anigoo itaal-daran markii, aaska lagu yaacay

Arxankiyo tudhaalkaad lahayd, ii iftiin hire’e

Af-legaaddo milaygaan saqdhexe, iinta tirinaayay

Adigaa sidii ila-biyeed, oon-qoraal tiraye

Oggolaan adaan ii fasixin, ehelo-shiidkiiye

“Yaanu oogsan nacabkiyo xubnii”, kaa aqbalay deexe

Nin kaloon asmici-laa ma jiro, eedihii jiraye

 

Maantana Imaam baan rabaa, aw masaajida’e

Eedaankaa dhaaxaan gadiid, oogay faralkiiye

Ebyay oo Taraawiixda guud, waan aloos-galaye

Iblays baa nin guurtiya ku yidhi, “caawa soo eriye”

Sidii baan afkaw buurayaa, aarso maan garane

Ibtilada waxaa dhigay tolkeen, oodda kaan xigine

“Hadduu aabbihii go’ay maxaa, keenay aradkeenna

Iimaanka samirkaa u roon, teer anaa haga’e”

Haddii aan aftahannimo cuskado, la ima eegteene

Ixtiraamka wuu iga mudnaa, aadmi lay diraye

Orta hadalka, anigaa Jimcaha, ereysan jeellaaye

Allaheenna mooyee cid kale, maw af-furilayne

Bal abaabul maantana adaan, kuu irkanaaye