UCID oo u Dabbaal-degay Guushooda ay mar labaad ugu soo gudboon Derajada Xisbinimo (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta qabsaday munaasibad ay ugu dabaal-degayaan markii labaad ee u soo gudbaan derajada Xisbinimo ee ay ka soo baxaan Ururradii iyo Xisbiyada ku tartamay doorashadii Goleyaasha Deegaanka.

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay xafladaasi badi masuuliyiinta xisbiga UCID, Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Umadda Cabdirashiid Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

UCID (2)Waxaana Ugu Horayn ka hadlay Munaasibadaasi Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Sheekh Aadan oo dhambaal Hambbalyo ah u diray Guud ahaan taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid. waxa uu sidoo kale mahadcelin u soo jeediyay Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Xisbigaasi uga soo baxay doorashada Golaha deegaanka.

Wasiirkii hore ee  Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu kula dar daarmay xisbiga mucaaridka ah ee UCID inaanay qaadin wadooyinkii ay mareen xisbiyadii hore ee ay ka nabad gasho xoolaha Qaranku.

UCID (1)“Waxaa ina soo maray Afar Madaxwayne oo hore. Haddiiba ilaahay Qadaro oo Xisbiga Ucid ku guulaysto Madaxtinimada soo socota, Kalmad ayaan odhan lahaa, Kalmadaas oo ah; Kitaabka aad Gacanta saartaan Rumeeya; Hantida Qarankuna ha idinka Nabad Gasho; waxa kale oo aad Ixtiraamtaan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala; Waxa kale oo aad samaysaan in Maamulkiinu Cadaalad ku dhisnaado. Ilaahayna waxaan idiinka Baryayaa in Dariiqii Hore ee lagu socoday uu idinka leexiyo” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

UCID (3)Masuuliyiinta madashaasi dabaal dega ka hadashay ayaa waxa sidoo kale ka mid ahaa Sucaad Carmiye oo ka mida Qurbo jooga ucid, Xaliimo Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ucid, Aamina Ismaaciil Coomay oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Qaarayada Yurub ee Ucid, Ugaasi Geele, Suldaan iyo Gudoomiye Xigeenka labaad ee Ururka Ummada Cabdirashiid Maxamed Cali, iyaga oo dhamaantood u mahadceliyeen Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Hiil iyo hooba la garab taagnaa wakhtigii doorashada iyo Ololha lagu jiray, waxay sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Taageerayaashooda Guusha ay ka soo hooyeen dagaal Adag oo ay sheegeen in Xisbiga UCID soo maray.

UCIDMusharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo  halkaasi ka hadlay ayaa si kal iyo laab ah tahniyad ugu diray Taageerayaasha Xisbiga UCID, waxaanu musharuxu u rajeeyay Xisbigiisa iyo taageerayaashiisa Guusha Doorashooyinka soo socda.

UCID2 (1)Jamaal Cali Xuseen ayaa fariin u diray guddoomiyaha golaha wakiilada waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan doonayaa in aan maanta markii u horaysay ka hadlo labada Xil ee uu isku hayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Waxaan leeyahay Saaxiibkay Cabdiraxmaan Ciro oo aanu saaxiib nahay Qadarin badana aan u hayo; waanu ognahay inaad markii hore Ishaa falataynaysay oo aad doonaysay inaad kursiga sii joogto oo aad eegto inaad in Ururkaagu soo baxo, laakiin Maadaama uu soo baxay Xisbigaagii oo aad halkaad doonaysay ku gaadhay labada xil mid iskaga tag iskuma hayn kartide” ayuu yidhi Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid.

UCID2 (2)

Gabagabadii , Xafladdaasi waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna Hambalyo iyo bogaadin u diray Taageerayaasha iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay Guusha iyo Xisbinimada UCID.

UCID2Guddoomiye Faysal waxa uu kaga dhawaajiyey wacad dhexmaray isaga iyo Guddoomiyaha urur-siyaasadeedkii hadhay ee Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, “Xasan Ciise Jaamac waxaanu ku balan sanayn hadii aanu nagau soo baxnana inuu nagu soo biiri doono hadii aanu nagu dhacnana aanu isaga ku biiridoono ahdana aniga iyo Jamaal waanu u tagi doonaa,” ayuu yidhi Faysal Caliwaraabe.

Cabdiwahaab Guuleed

Somalilandpost.net/Hargeysa office

halyay222@hotmal.com