UCID-da Cusub (NEW UCID) Oo Shaacisay Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Iyo Wefti Miisaan Culus Oo Uu Hogaaminayo Murashax Jamaal Oo Gaadhay Boorame

Boorame (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta  boqolaal Gaadiid, haween, Saalaadiin si diiran ugu soo dhaweeyeen Magaalada Gorayacawl oo 7-KM u jirta Magaalada Boorame,kadibna waxa loo galbiyey Huteel-ka Mana Guest House ee Magaalada Boorame oo boqolaal taageerayaal ahi ku sugayeen.

Weftigan oo ka koobna Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen, Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Gadhweyne), Boqor Raabi, Suldaan Xandule, Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha dibada Axmed Kayse,Faadumo Siciid, Afhayeenkii hore ee Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo madashaasi ku shaaciyey inuu ka tirsan yahay UCID-a cusub, aqoonyahano, Salaadiin tiro badan, ganacsato, haween, qurba-joog iyo marti sharaf kale.

Munaasibad si heer sare loo soo agaasimay, isla markaana lagu shaaciyey Murashaxa madaxweyne kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa madashaasi lagu soo bandhigay iyo weliba cududa taageero ee murashaxa madaxweyne Kuxigeenku ku leeyahay Gobolka Awdal

Suldaanka Jibriilyooniska oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadceliyey weftiga miisaanka culus ee uu hogaaminayo Muarashaxa madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen.“Aad iyo aadbay Farxad noogu tahay in na la soo tuhmo, cuqaal,Siyaasiyiin iyo aqoonyahan  sare ay noogu yimaadaan Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal oo ay nagu soo booqdaan  iyaga oo hogaaminaya Xisbi UCID waanu soo dhaweeynaynaa, qalbi furan oo kal iyo laaba ayaan idinku soo dhaweynaynaa”.

“Waddankeenu waa dimuqraadiya, cidkasta oo istuhmaysa oo aqoon iyo kartiba leh wey isku soo sharxi kartaa Kursiga madaxweynanimada, markaa Xisbiga UCID waxa uu noo sheegay inuu ka mid yahay xisbiyada doonaya inay waddanka hogaankiisa bedelaan, oo ay hagayaan aqoonyahan, markaa haddii aanu nahay Salaadiinta Xisbiyada waanu soo wada dhaweynaynaa oo dhex ayaanu u nahay, waxaanan eegaynaa sida ay u kala siyaasad wanaagsan yihiin baanu u kala taageeraynaa, ilaa imika xisbiga siyaasad cad oo uu waddanka ku bedelayo na tusayna waa UCID waanu soo dhaweynayaa.”Ayuu yidhi Suldaan Abu-bakar oo Weftiga qaabbilay.

Afhayeenkii hore ee Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), oo ka mid ahaa Weftiga uu Musharrax Jamaal hoggaaminayo ee magaalada Boorama maanta gaadhay, ayaa sheegay in uu maanta laga bilaabo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Waxaana ka mid ahaa hadalladii uu Cali-Guray Xafladdaa ka jeediyey oo uu yidhi; “Anigu markaan xaaladdan dalku maanta ku jiro eegay ee aan arkay sida ay dad badani ugu hungoobeen is beddelkii ay muddada badan saadaalinayeen, markaan eegay xaaladda Xisbiyadii Qaranka, markaan eegay Ururrada siyaasadda iyo Urur-beeleedyada, anigu qaarkood Urur-siyaasadeedyo odhan maayee, arrimahaas oo dhan markaan eegay anigu waxaan is-weydiiyey waar tolow tan yaa u cid ah? Waan waday oo waan waday oo anigu waxaan ka wadi waayey, Illaahay ha caawiyee UCID baa u cid ah.”

Afhayeenkii hore ee UDUB Cali-Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Sidaa daraaddeed, waxaan halkan ka caddaynayaa Maanta oo Isniin  ah oo bisha July-na tahay 16/2012, inaan u soo guuray aniga laftayduna UCID-da cusub. Waxaa farxad gaara ii ah in aniga oo Hargeysa jooga aanan guurin ee aan la guuro Bahweynta reer Boorama ee halkan aan la joogo. Waxaan leeyahay reer Boorama u kala abtirin maayo ee waan wada tirsanayaa, waxaanan leeyahay Daba-laay ama gooji ama ha goojin anigu Geela Gu’ga ayuun baan kugu tirinayaa.”

Cali-Guray waxa uu sheegay in Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigiisu-ba Garabkii UDUB ee Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayey ugu hiiliyey si aanay UDUB ugu hiilin, waxaanu yidhi; “Waxaan mahad gaara oo kashka iyo laabta ka timi u gudbinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxu noogu hiiliyey oo uu musharrixiinta iyo intii UDUB ahayd ee taageersanaydba ugu hiiliyey si aan Xisbigii aannu ka tirsanayn ee UDUB noogu hiilin. Cad quudheed namay siinnin, laba Tagoogana isumay-kaaya saarin ee waxay na yidhaahdeen Sarar, Lag iyo Badhi keebaan ku siiyaa, Iimaan sad weeyee haddaad saluugtana saddexdaba bal iga hoo.”

“Gobonnimadu waa u dhalasho, dad baa yidhaahda wax baa la iibsaday, cid wax iibisayna ma jirto, cid wax iibsatay-na ma jirto, Qarannimaduna iib iyo baayactan ma gasho, waxa la yidhi; ‘Gobonnimada waa quus Ninkii Gawska dhaafsadaye. Markaa, UCID waxa uu maanta u taagan yahay in lagu badbaadiyo Qarannimada Somaliland, waxay u taagan tahay in loogu hiiliyo ummadda iyo dalka. Waan taageersanahay Musharrixiinta UCID Jamaal iyo Cabdirashiid. Sidaa daraaddeed, waxaan jeclaan lahaa innaga oo xilka ay doonayaan sida keegga Aroosyada afka la isugu geliyo ayaan odhan lahaa afka halloogu geliyo guusha. Laakiin, waxaan u sheegayaa inay Xaraar saaran tahay oo ay meel rafaad badan ku jirto, haddaydaan dedaalin oo ay daan guntiga dhiisha iskagaga dhiginna oo ay daan dadkiinna abaabulin ma gaadhaysaan waxaad doonaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Guray.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Jaamac Hoorri oo isaguna Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inay farxad iyo rayn-rayn u tahay sida Weftiga uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaanu u mahadceliyey dadweynaha soo dhaweeyey.

“Waxaan leeyahay isu-tagga ama isku-darka UCID-dii hore iyo Garabkii ka soo baxay UDUB waxay ummadda Somaliland u tahay gurmad, si ay hirgeliyaan hannaanka dimuquraaddiyadda ee Somaliland, waxaanu isku-darka isku noqday UCID-da cusub ka marag kacayaa in UCID hiil u tahay dalka iyo dadka Somaliland.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka UCID Aadan Jaamac Hoorri.

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hoggaaminayey Weftiga Xisbiga UCID ee maanta booqday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa uu yidhi; “Maanta waa maalin aad iyo aad u qiimo badan, waa maalin aynu aad u faraxsannahay, waa maalin aan filayo inay taariikhda ka geli doonto meel muuqata. Waxa maanta halkan isugu yimi in ka badan dhawr iyo labaatan Suldaan oo ka soo kala jeeda Gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Awdal, taasina runtii waxay muujinaysaa awoodda, cududda iyo taageerada baaxadda leh ee uu Xisbiga UCID maanta haysto, taasna waxaan ugu hambalyeynayaa Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe oo aan halkan uga mahad-celinayo.”

“Maanta waxaynu ka hadlaynaa Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo aan halkan innala joogin maanta oo aan halkan ka salaamayo. Waxaanan u sheegayaa dadka gobolka Awdal, maaha Cabdirashiid Ninka keliya ee ku jira Madaxda Reer Awdal ee ku jira Xisbiga UCID. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga UCID waa Aadan Jaamac Hoorri oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.” ayuu yidhi Jamaal Cali Xsueen.

Jamaal waxa uu sheegay inay booqan doonaan dhammaan Gobollada Somaliland, oo uu sheegay in Xisbiga UCID taageero badan ku leeyahay. Waxa kale oo uu Musharrax Jamaal sheegay in magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo Gobolku-ba ay leeyihiin taariikh ku suntan Somaliland, isla markaana ay tahay meeshii seeska loogu dhigay amba-qaadkii labaad ee dhismaha Somaliland, taasina ay sharaf u tahay dadweynaha reer Awdal iyo guud ahaanba Somaliland. Waxaanu u mahad-celiyey guud ahaanba dadweynaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ee maanta ku soo dhaweeyey magaalada Boorama.

Musharrax Jamaal oo ka hadlayey waxay dadka u sheegayaan waxa uu yahay waxa uu yidhi; “Annagu haddaannu nahay Xisbiga UCID maanta Jannadii idiin ballan-qaadi mayno ee waxaannu idiin ballan-qaadaynaa inaannu daacad noqonno, inaannu shaqayno habeen iyo maalinba iyo inaannaan waddankan ka shaqaysan ee aannu dalka iyo dadka reer Somaliland-ba u shaqayno, annagu hore ayaannu caalamka uga soo shaqaysannay, laakiin ummaddan inaannu u shaqayno ayaannu doonaynaa. Haddii aad eegto taariikhda Somaliland marxalado kala duwan ayey soo martay, Madaweynayaashii hore ee Somaliland iyo Xukuumadohoodii midba meel bay wax soo gaadhsiiyeen, waanay ku mahadsan yihiin, ummadda Somaliland-na abaal bay ugu hayaan.”

“Laakiin, Somaliland ahaan miyeynu maanta ku qanacsannahay in waddadii 1960-kii la sameeyey inay waddadii uun ahaato? Dadweynaha maya. Maya! Maya. Miyeynu ku qanacsannahay maanta in Ummaddeenna 70%-kiiba in ka badani inay shaqo la’aan ahaadaan? Dadweynaha, Maya!…Maya. Haddaba haddii aynaan ku qanacsanayn waxa loo baahan yahay in wax la beddelo. Haddii la doonayo in wax la beddelo waxa laga beddeli karaa xagga ugu sarreysa.” ayuu hadalkiisa raaciyey Jamaal.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, mar uu ka hadlaaya qaabka ay iyaga oo ah Xisbi mucaarid ah u dhaqmi doonaan, waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu ku ixtiraamaynaa Xukuumadda maanta jirta wixii aannu la qaban-karno oo waannu la shaqaynaynaa, waxaannu noqon doonnaa mucaarid cilmi ku dhisan, oo haddii aannu wax sheegayno si cilmiyeysan oo qoto dheer aannu uga hadalno, mararka laga maarmi-waayana inaannu dadka wax u sheegno ayey noqon doontaa, laakiin annagu ma noqon doonno mucaarid arrintiisu tahay Kursiga ka kac oo keliya.”

Waxaanu Jamaal oo hadalkiisa sii wataa yidhi; “Annagu waxaannu noqon doonnaa dad ka shaqeeya horumarka, dad ka shaqeeya waxbarashada iyo guud ahaanba horumarka dadka iyo dalka. Laakiin, annagu noqon mayno dad intay idin soo dul-istaagaan sidii ololayaashii hore idin odhanaya Badda ayaannu macaan ka dhigaynaa, ee annagu waxaannu ka hadlaynaa marwalba waaqica iyo xaqiiqada.”

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanu weligii cid u codaynin, balse uu doorkan ka badheedhi doono oo uu u cudayn doono Musharrax Jamaal Cali Xuseen haddii Illaahay yidhaahdo.“Horta, Axsaabtu waxaad mooddaa Berigii hore Reero ayey ahaayeen, waxaad maqlaysay Xisbigaa reer Hebel baa leh, kaa kale reer Hebel baa lah. Wejigan maantana waa weji aan qabiil ahayn oo ka turjumaya mabda’ siyaasi ah. Waayo? Aniga Shirkii Daalo waa la igu marti-qaaday, laakiin Boorama ayaa ka dhaw, Shirkii Xamar baa la igu marti-qaaday Hargeysaa ka dhaw, yacnii dadka qaar baa illaa hadda u buka maxaa Xamar loo tagi waayey? Waxaan kuwaa leeyahay magaaladiinna ayaa idiinka dhaw.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Waxaanu Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi; “Waxaan dadka reer Somaliland leeyahay aynu ka guurno qabyaaladda oo mabda’a siyaasiga ah aynu u guurno. Anigu weligay iyo Allahay cid umaan codayn, waayo? Dee ummadda anigu dhex baan u ahay, laakiin maanta waan ka badheedhayaa oo Madaxweynaha Mustaqbalka Jamaal Cali Xuseen iyo Musharrax ku-xigeenkiisa-ba waan u codaynayaa, dad baa la yidhi saddex saddex jeer bay codka ku ridaana bal maanta aniga halla I eego. Waxaanan idiin rejaynayaa guul iyo barwaaqo idinka iyo Somaliland-ba.”

Wasiirkii hore Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Somaliland Xuseen Caynaan Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,Salaadiinta , Siyaasiyiinta cuqaasha, Culimaa’udiinta, dhalinyarada, aqoonyahanka,haweenka iyo marti sharafta ka soo qeybgashay xaflada, “Laba Munaasibadood ayaa halkan ku kulmay midnimadii garabka UDUB ee uu hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen iyo Xisbiga UCID oo isku biirey, midina waa dabaal-dega iyo muujinta murashixiinta Madaxweynaha oo uu u sharaxan yahay Jamaal Cali Xuseen  iyo madaxweyne Kuxigeenka oo uu u sharaxan yahay Cabdirashiid Cali Mataan halkan aad ayaan ugu faraxsanay taageerada aad u muujiseen,….UCID-a cusub (New UCID) waxa loo bixiyey waxa weeyaan Xisbigii ayaa la balaadhiyey oo la tayeeyey, waxaana ka dhex tartamaya raga aqoonyahanada.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Salaaddiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Muuse Cali Madar, Suldaan Maxamuud Xandule (Indha-case), Suldaan Dhawal iyo Salaaddiin kale oo tiro badan oo dhammaantood muujiyey siday ugu faraxsan yihiin Musharrixiinta Aqoonyahannada ah ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID, iyaga oo geesta kalena tilmaamay inay dhex u yihiin Salaaddiin ahaan guud ahaanba Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada Qaranka-ba.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost