U Hiili Naftaada!

 

 

Mararka qaar jihada yoolku ma kaa luntaa?
Waxaad qabataba ma garan waydaa?
Warwarkaagu joogto ma noqdaa?
Noloshu dhadhan ma kuu samayn waydaa?
Caloolyow ma dareentaa?
Ma hiifta dadka kugu xeeran?
Canaan iyo cabasho ma kaa soo hadhaa?
Ma ka warwartaa waxaanaad qeexi karin?
Noloshu ma kula fool xumaataa?
Ma ku sigataa inaad falal aan fiicnayn ku kacdo?
Qalbiga ma ka ooydaa?
Ma dareentaa cabsi badan?
Cod baasi ma kaa dhex hadlaa?
Cadho iyo dagaal ma kaa soo hadhaan?
Saddexdan shay mid uunbaad ku sugantahee ogoow.

1: Xidhiidhkii aad Illaahay la lahayd oo aad goysay, Salaadii oo aad
ka tagtay, dunuub waawayn oo aad ku dhacday,

 

iyo dhammaan khayrkii oo
aad ka durugtay.
Illaahay ayaa inoo balan qaaday inuu nolol cidhiidhi ah ku noolaanayo
qofka ka fogaada xuskiisu, cadaabna mutaysan doono, qofka xuskiisa
badiyaana uu nolol rajo iyo raaxo leh ku noolaanayo Aakhirana janada
galayo.

2: Xidhiidhkii aad naftaada la lahayd oo yaraaday ama joogsadayba,
sida: la faqii iyo la fadhiisigii naftaada taas oo kuu saamaxaysa
inaad ka war hayso naftaada oo aad ogaato waxay doonayso iyo waxay
diidayso; dood wadaagna yeelataan, taas oo fududaynaysa inaad isla
jaan qaadaan oo aad waxyaabo badan xallisaan, waydiimo badana wacelin
u heshaan. Waxaad daysaaba way ku daayaan.

3: Maaraynta waqtiga oo kaa maqan: waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee
uu qof walba oo inaga mid ahi haysto, qof walba wuxuu haystaa 24
saacadood laakiin qof walba waxa uu hela hadba inta saacadood ee uu
dadaalka galiyay.
Haddii aad maarayn kari waydo waqtigaaga wuxuu kugu noqon kadeed iyo
kaacaa kuf adiga kugu kooban.
Ma kula tahay sidaas?
Istaag oo hawl gal maxaad qabanaysaa waad haysaa xalkiiye.

U Hiili Naftaada oo u hagar bax hankaaga.

Xamse Siciid Maxamed,
Qoraa ahna Dhiirigaliye nololeed

Mobile: 0634410163