Turkish Airlines Oo Ka Hadashay Dhacdadii Muqdisho

Muqdisho(SLpost)Shirkiadda Turkish Airlines ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay sababihii baajiyay duulimaad ay dayuuradooda ku tagi laheyd garoonka Muqdisho ka hor intii aysan dhicin dhacdadii qaraxa loogu geystay dayuuradda Daalo Airlines.

Yahya Ustun oo ah afhayeen u hadlay sharikadda Turkish Airlines oo war qoraal ah soo gaarsiiyay VOA Somali ayaa ku gaabsaday In duulaamdyadii Turkish Airlines ee tagi jiray magaalada Muqdisho loo joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan hagaagsanayn.

033E3E2C-5579-446C-8E62-847B2BC2E64B_w640_r1_s

Turkish Airlines ayaa ka gaabsatay in ay ka jawaabto su’aalo ay VOA Somali weydiisay oo ay kamid yihiin:Sababta ay u joojisay duulaamdkii ay ku tagi jirtay Muqdisho? 

Haddii ay ka warhaysay in qofka is qarxiyay uu haystay tickrtka dayuuradda? iyo in ay jireen wax khataro amni ah oo ay ka war heleen oo sabab u ah dayuuradooda baaqatay?