Turkiga Oo Qayb Ciidankiisa Ka Mid Ah Kala Baxay Ciraaq

(SLpost)-Dowladda Turkiga ayaa sheegay in woqooyiga Ciraaq ay kala soo baxayso ciidamo dheeraad ah kaddib markii ay qayb ahaan halkaas kala soo baxday ciidamadeeda maalmo yar ka hor.

Arrintan ayaa timi kaddib maalin un markii uu Madaxweyne Barack Obama uu ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu dajiyo xiisadda kala dhaxeysa dalka Ciraaq.Turkiga ayaa horraantii bishan waxa uu waqooyiga Ciraaq u diray ugu yaraan 150 askari kuwaasi oo uu sheegay in ay ilaalinayaan tababarayaal milateri oo halkaa ka jooga.

Turkiga ayaa tan iyo 2014-kii ciidamo geeyay xerada Bashiiqa ee u dhaw magaalada Muusil – oo ay maamusho Kooxda Dowladda Islaamiga ah – si ay u tababaraan xooggaga Kurdiyiinta Ciraaq.

Balse dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in tallaabadii ugu dambeysay ee Turkiga la qaaday iyadoo aanan lala tashan, waxa ayna sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay madaxbanaanideeda iyo shuruucda caalamiga ah.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu uu garowsanayo in uu jiray Isfahan darro kala dhaxaysay dowladda Ciraaq taa oo ku aadan ciidammada Turkiga ee halkaasi la geeyay. Dowladda Turkiga ayaa xidhiidh wanaagsan la leh maamul goboleedka Kurdiyiinta dalka Ciraaq.

Hasayeeshee waxa ay cadaw u aragtaa Kurdiyiinta Suuriya oo xulufo la ah isbahaysiga Mareykanka uu horkacayo ee ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah, sababtoo ah waxa ay u aragtaa in ay yihiin farac ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee PKK ee mamnuuca ka ah gudaha dalka Turkiga.