TURKEY: Xisbiga AK Party Oo Ku Guulaystay Doorashada

Ankara(SLpost) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee dalka Turkiga ee Madaxweyne Erdogan ayaa gaadhay guul aad u sarraysa doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday shalay oo Axad ahayd, waxaana guushani xisbigaas u horseedday inuu markale keligiis xukuumad soo dhisi karo.

Dalka ayaa soo maray shan bilood oo qalalaase ka taagnaa ka dib markii xisbina uu heli waayay codad uu ku soo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baarlamaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taas oo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey markii hore.

Guushaasi ayaa xoojin doonto awoodda madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan oo aqlabiyaddaasi uu xisbigiisa helay ku tilmaamay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka kurdishka ah taasi oo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuquraadiyadda.

Ahmet Davutoglu waxa uu khudbadii lagu yaqaanay ka jeediyay xarunta xisbiga ee Ankara. Waxa uu taageerayaashooda u sheegay in guul macno weyn ku fadhida ay gaadheen.

Magaalada dhanka bari ku taalla ee Diyarbakir, boolisku waxa ay suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen taageerayaasha xisbiga Kurdiyiinta oo sheegay inay ka niyad jabeen natiijada doorashada.

Dibad baxayaasha dhankooda waxa ay booliska ku tuurayeen dhagxaan iyo baaruud.

Mucaaradka dhankooda waxa ay qirteen in doorashada lagaga adkaaday, waxayna tilmaameen in xisbiga talada haya ay kula xisaabtami doonaan tallaaba kastaa oo uu qaado.