Tunisia: Xisbi Islaami ah oo ku guulaystay Doorashooyinkii ugu Horeeyey ee dalkaas ka qabsooma

Tunis, (SLpost)- Xisbi Islaami ah oo siyaasaddiisu meel-dhexaad tahay ayaa ku guulaystay xukunka dalka Tunisia ka dib doorashooyinkii ugu horreeyey oo dalkaas ka qabsoontay todobaadkii hore.

Xisbigan oo la yidhaahdo Ennada isla markaana dalkaas laga mamnuuc ka ahaa muddo tobanaan sanno ah, ayaa ku guulaystay boqolkiiba 41.47 codadkii la dhiibtay iyo 90 ka mid ah 217-ka kursi ee baarlamaanka dalkaas oo dejin doona Distoor cusub.

Ku-dhawaaqista guusha oo ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka ayaa summad u yeeshay kacdoonka taariikhiga ah ee dalkan Woqooyiga Afrika ku yaala kaas oo horseed ka noqday kacdoonka Gu’ga Carbeed ee ka curtay Bariga Dhexe.

Haddana in kasta oo dalka Tunisia u diga-rogtay nidaamka dimuqraadiyadda ka dib muddo nus-qarni ah oo talada dalkaas gacanta ugu jiray nidaam hal xisbi ah, waxay mudaharaadyo ka bilaabmeen gudaha iyo agagaarka magaalada Sidi Bouzid oo ahayd magaaladii uu ka dillaacay kacdoonkii xukunka lagaga tuuray madaxweynihii hore ee dalkas Zine El-Abidine Ben Ali oo dalkiisa firxad kaga maqan. Ciidamada nabad-galyada ayaa rasaas digniin ah kor u riday ka dib markii boqolaal ah taageerayaasha Xisbiga Areedhya Chaabiya (Popular Petition Party) ayaa isugu soo baxeen dariiqyada magaalada kuwaas oo taayirro ku gubay shaaricyada.

Mudaharaadayaashu waxay dab qabadsiiyeen dhismeyaal badan oo uu ku jir xafiiska duqa magaalada. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas ayaa Telefishanka Al-Jazeera u sheegay in mudaharaadayaasha loo adeegsaday Qiiqa dadka kaga ilmaysiiya, rabshad wadayaasha qaarkoodna la xidh-xidhay.

Taageerayaasha ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen ka dib markii qaar ka mid ah murashaxiintii xisbiga laga reebay tartanka sababo la xidhiidha dhaqaale darro iyo eedaymo uga yimi saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Ennahda.

Dhanka kale, natiijada doorashada ayaa iftiimisay war kale oo layaab leh ka dib markii uu kaalinta labaad galay xisbiga Congress for the Republic Party oo helay 30 kursi. Xisbigan oo la aasaasay sannadki 2001 waxa horseed ka ah nin xuquuqda bani’aadamka u dooda Dr. Moncef Marzouki oo muddo mastaafuris ugu maqnaa magaalada Paris.

Xisbiga kaalinta saddexaad galay, Ettakatol oo uu hoggaaminayo Dr. Mustapha Ben Jaafar, waxa uu ku guulaystay 21 kursi oo baarlamaanka ah.

Saraakiisha Guddiga Doorashooyinka ayaa kansal-gareeyay shan xisbi oo lagu eedeyey  laaluus iyo wax is-daba marin kuwaas oo mid ka mid ah uu hoggaaminayay xubin ka tirsan xisbiga talada haya ee RCD.

Doorka Hoggaaminta natiijada ee xisbiga Ennahda ayaa noqday mid la iska garan karayey wax yar ka dib markii la xidhay goobaha cod-bixinta, in kasta oo masuuliyiinta doorashooyinku ay ka gaabsanayeen inay ku dhawaaqaan natiijo dhammaystiran maxaa yeelay waxay ka taxaddar ka muujinayeen tirinta iyo hubinta codadka.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaan lagu dhawaaqin ilaa la ogaanayo wax cabasho ah oo ka timaadda xisbiyada kale, taas oo qaadan doonta muddo laba todobaad ah, sida uu sheegay Ridha Rorkhani oo xubin ka ah guddiga Doorashooyinka dalka Tunisia.

Saraakiisha xisbiga Guulaystay ayaa sheegay inay dhisayaan dawlad wadaag ah oo sal-ballaadhan oo ay ku beddelaan dawladda ku-meel gaadhka ah, ka dib markii xoog awoodda laga tuuray  bishii January ee sannadkan madaxweynihii hore ee dalkaas oo hadda qaxoontinimo ku jooga Boqortooyada Sucuudiga.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net