Madaxweynaha Maamul-gobolkeed Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa madaxweynaha Soomaaliya u diray waraaq uu kaga codsanayo taakulo ciidan iyo mid maaliyadeed, kaddib dagaalkii dhexmaray Ciidamada Qaranka Soomaaliland badhtamihii todobaadkan
Waraaqdan oo muujinaysa guul-darro dagaalkaas ka soo gaadhay Ciidamada Puntland oo iyagu weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee Tukeraq, waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ku siiyey warbixin la xidhiidha natiijada ka soo baxday dagaalkaas iyo inay ku fashilmeen qorshe ay isla ogaayeen oo lagu doonayey in looga faa’idaysto Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May oo ay is-yidhaahdeen Ciidamada waxa la geynayaa magaalooyinka si ay uga qayb-qaataan dabbaal-degga 18 May.
Haddaba, sirta waraaqdan ku duugan oo ay suurta-gashay inay bannaanka u soo baxdo, Kaga boqo muuqaalkan Hoose
https://youtu.be/Az0h9SB99NQ