Toos u daawo Ciyaarta Final-ka ee Koobka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland – Maroodijeex vs Daadmadheedh

 

Hargeysa (SLpost)- Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa, waxa ka socda ciyaarta Final-ka ee tartanka Gobollada Somaliland oo ay isugu soo hadheen gobollada Maroodijeex iyo Daadmadheedh.

Gobolka Maroodijeex ayaa haddii uu ku guulaysto ciyaarta maanta, waxa ay noqonaysaa markii Afraad ee ay hantaan koobka gobollada Somaliland.

Xulka gobolka Daadmadheedh oo markii u horeysay yimi Final-ka koobka gobollada Somaliland, ayaa haddii ay ku guulaystaan noqonaya markii u horeysay ee ay qaadaan koobka gobollada Somaliland.