Toos: Munaasibadda Xuska 18-ka May oo Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Waxa caawa xarunta madaxtooyada Somaliland lagu qabtay munaasibad loogu dabbaal-degayo maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Munaasibadda waxa ka qayb-galay madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku-xigeenka JSl Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Wakillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuuumadda, Marti-sharaf ka socday waddamo dhowr ah iyo marti-sharaf kale.