Toonta, Baytaraafka Iyo Muusku Waxa Ay Ka Mid Yihiin Cuntooyinka Dalkeenna Laga Helo Ee Dhiig-karka Dejiya

Hargeysa (SLpost)- In badan ayaa ya haayadda caafimaad adduunka ee WHO ka digtay khatarta uu dhiig karku ku keeni karo wadnaha, xididdada dhiigga, maskaxda iyo kelyaha, waxa aanay ku baaqdaa in la sameeyo wax kasta oo dhiigga kor-u-kiciisa lagu yarayn karo, sida in sigaar cabbista la joojiyo, in qof kastaa uu jimicsi sameeyo, in milixda la iska yareeyo iyo in qofku uu maro nidaam cunto oo caafimaad qaba.

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay ku taliyaan in dadka dhiigkarka qaba ay u fiican tahay in ay isticmaalaan cuntooyinka dhiigga dejiya oo caafimaadka uga fiican isticmaalka dawooyinka, cuntooyinka ay sheegeen khubaradu ee dalkeenna laga helana waxaa ka mid ah muuska.

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in muusku uu qani ku yahay maadadda Potassium oo ka masuul ah shaqada wadnaha, isla markaana kaalin mug leh ka qaadata nidaaminta cadaadiska dhiigga, sidaa awgeed waa ay ku taliyeen in qofka dhiigkarka lihi caado ka dhigto in uu maalin kasta cuno laba xabbo oo muus ah, taas oo marka uu toddobaad keliya si joogto ah u wado uu arki doono dhiiggiisa oo boqolkiiba 10 hoos u dhacay.

Picture113-300x188

Beetaraafka:

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in maadadda Nitrate oo ku jirta Baytaraafku ay dejiso dhiigkarka, oo weliba hal saac oo keliya marka uu qofku cuno laga dareemo in dhiiggii ay dejisay, afar iyo labaatanka saac ee xigana ay dhiiggia kicitaanka ka ilaaliso.

Toontu: Xeeldheerayaasha daraaseeya faa’idooyinka caafimaad ee cuntadu waxa ay sheegeen in toontu ay ilaaliso caafimaadka wadnaha, caawisana in heerka dufanka dhiiggu (Kalastarool) hoos u dhaco, isla markaana ka hortagto xinjirowga dhiigga oo sababa wadne istaagga iyo dhiig-furanka maskaxda. Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka oo maalin kasta cuna laba laagood oo toon ah maalin kasta ay aad u dejiso dhiig-kara, si weyna kor ugu qaaddo caafimaadka iyo bad-qabka wadnaha.

Xigasho Geeska Afrika