Tolow ummad indho la’a, oo dhega la’a yaa xukumi jirey? Bal aynu eegno xukuumada iyo mucaaradka Somaliland waxay ku murmayaan, iyo shaqo la’aanta dhalinyaradu ka qaylinayso – QALINKII ALI DHINBIIL

Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil

Waxaan xasuustaa berigii Reer Somaliland uu Siyad Bare xukumi jirey, oo inay wax ka sheegaan dawlada daaye, aay ku soo dhoweyn jireen aabow siyaad iyo noolow siyaad.  Dadkii sidaa u liitey aya markii xornimadii aay qaateen ee lagu yidhi waar waxaad doontaan sameeya, oo waxaad doontaan ka shaqaysta, ayaaba mar keliya isu rogey mucaarad iyo coomaadayaal jid gooya ku sameeya walaaladooda xukunka haya, isla markaana ka hor yimaada danihii wadanka.  Marba cidii wadanka xukunka qabata ayay u jabhadeeyaan, iyadoo qaarkood cilmi iyo aqoon aay dawlad ku hogaamiyaan aay uga dheertahay sida dayaxa iyo dhulku u kala fog yihiin.  Dhinaca qolyaha Mujaahidiinta sheeganaya waxaan odhan lahaa, ee melahaa ka qab qableeya waar dee idinkoo keliya wadanka umaydaan soo tabcine, thousand kale ayaa ku dhintay, oo thousand baa ku naafoobey.   Markaa sharafta iyo ixtiraamka laydiin hayo hayska qaadina.  Just because you were some kind of jabhad or leader doesn’t give you carte blanche of not following law of the land.

Runtii dad macquula waa laga helayaa mucaaradka wadanka ka jira, sida gudoomiyaha Waddani Abdirahman Cirro, oo had iyo jeer dawlada si wanaagsan wax ugu sheega, ixtiraana ka dhaxeeyo.  Waa nin macquul ah, oo very tolerant ah, oo dadaal xoogan oo hoose ugu jira siduu xisbi adag oo mucaarada uu u samayn lahaa.  Mucaaradnimadu kuma wanaagsana qof had iyo jeer wax tabanaya, oo aan qalbi fayoobeyn, oo mawqifkiisu yahay hadaan xukun waayo, yaan cidi wax xukumin.  Mucaaradka sida qaladka ah wax u fahansan waxaan odhan lahaa waar hadaad doonaysaan inaad la tartaan xisbiga talada haye ee Kulmiye oo runtii xisbi taageero badan haysta ah, dee markaa ku daba fayla ama taageero buuxda oo aan conditions lahayn siiya xisbiga Waddani.  Wadanku waa Waddani iyo Kulmiye, cidii wax kale aaminsan ee is leh Kulmiye ayaad challenge garayn kartaan waxaan ku odhan lahaa wakhtiga hayska luminina.

Hadaynu dib u raacno qisooyinkii saxaabada, miyaad maqasheen asxaabi ku shaqaysan jirey, ama dadka ugu mana sheegan jirey mujaahidbaan ahaa.  Qofkii soo jihaaday wuxuu u soo jihaaday inuu naftiisa, iyo reerkiisa iyo sharaftiisa soo xoreeyo, markaa qolyaha mujaahidiinta ah ee reer Somaliland waxaan idin leeyahay war dadka dhibaatada iyo kala qaybsanaanta ka daaya, oo u daaya dadka wadanka xukumaya.  Mida kale madaxweynaha wadanka haystaa wuxuuba ahaa your leader xiligii SNMta, markaa ma leaderkaagii ayaad caayaysaa, oo maalin walba u caga jugleynaysaa. Waar nimanyohow naftiina iyo hor ilaahay ayaad u dagaalamayseene, wadanka hostage ha gelinina, oo ka daaya ummada mujaahidnimada aad ugu manaysanaysaan.  Waxaaba raga qaarkii ka dhigan yahay sidii nin sadaqad baxsaday, oo hadana ugu manaysanaya ama sare ugu dhawaaqaya wuxuu hor ilaahay u bixiyey.

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa, kuwa nacam layaasha iyo is qorka ah ee maalin walba leh waxaan metelayaa xisbi hebel iyo hisbi hebel, waar fidnada wadanka iyo ummada kala fadhiista.  Imisa afhayeen ayay leeyihiin horta xisbiyada mucaaradku.  Waxaad arkaysaa mid leh North America ayaa xisbi hebel u qaabilsanahy iyo qaar leh east London iyo north London ayaanu xoghaye u nahay.  Waaba yaab, xitaa islaamo iyo dad faaltuu ah oo u hadlaya xisbiyada mucaaradka ayaad arkaysaa everyday, oo TViiyada ka hadlaya.  Wadankiiba wuxuu isu rogey siyaasi iyo siyaasiyad, laakiin aan cilmi iyo caqli toona lahayn.  Xitaa ramadaantana qaarbaa wax caayaya, oo siyaasad iyo qabyaalad TViiyada la soo hor fadhiya.  Fanaaniinta ayaaba laga qaatey oo hitaa heesihii iyo fankii faraha ka qaaday bishan barakaysan ee Ramadan.  Waar aamusa oo ilaahay ka baqa reer waalanow.  Problemka somalida haysta waxa weeye, il keliya ayay leeyihiin, oo marba meel bay uga curataa roobku, mar jagooyin iyo dhul boob ayaay ku yaacayaan, iminkana yar iyo weyn siyaasad ayaa lagu saliday, oo kursi ayay radinayaan.  Reer kastaaba waxay leeyihiin maxaa wasiir lanoo siin waayey.  Waar caqli miyaydaan lahayn imisa wasiir ayaa wadanku u baahan yahay, iminkaaba wasiiradu xadkoodii dhaafeene.  Mida kale muxuu wasiir kuu qabanayaa wasiirku, xitaa madaxweynuhu haduu reerkiina waxba kuu qaban maayo.  Wasiirka iyo madaxweynuhuba wadanka ayay u shaqaynayaan, ee reer uma shaqaynayaan. Intii Madaxweyne Somaliland soo marayna weli reerkiisa ayuu midi wax u qabtay weli laguma hayo taariikhda, kan iminka joogana ku daroo.   Rintii waxaan is leeyahay hadii aay qaar badan oo siyaasiyiin isku sheegaa aay wadanka wax ka qabsan lahaayeen intay meelahaa ka qaylinayeen, amaba wax u qaban lahaayeen wadanka sida Edna Adana ay wadanka wax ugu qabatay, inay iyaguna horumar iyo sharaf ka kasban lahaayeen ummada reer Somaliland.  ,

Hadaba hadaan bilaabo ama ku soo noqdo ujeedada maqaalkan; horta waxaa fiican in dadka indhah la’a ee reer Somaliland ku nool aay kala bartaan public iyo private sector of the economy.  Waa mida horee dawladu waxay cashuurta yare e aay uruuriso ku shaqaalaysaa public sector, sida militariga, navy, police, health, education, roads and other public infrastructure.  Iyo weliba wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee wadanka u adeega ee aanan halkan ku soo koobi karin.  Markaa taasi waxay ku tusaysaa in intii uu xisbigan Kulmiye uu talada wadanka hayey aay shaqaalaysiintii wadanku sadex jibaar noqotay, oo weliba aay mushaharkii u kordhiyeen qaybaha kala duwan ee dawlada u adeega.  Arintaasi waxay keentay in musuqmaasuqii hore u jirey u yaraado, madaama shaqaalaha lacag ku filan la siiyo, shaqaaluhuna aay reerahooda si fiican u masruufaan, isla markaana xilkoodii aay saani u gutaan.

Horta waay iska cadahay in dadka had iyo jeer leh ku hal qabsanaya dhalinyaradii wadanka shaqo la’aan haystaa, oo tahriib ku dhamaatay aanay fahmeyn dhaqaalaha wadanku ku sugan yahay.  Waa xaqiiq inay shaqo la’aan wadanka ka taagan tahay, laakiin ma is weydiiyeen kuwan mucaaradnimada kaga faaidaysanaya shaqa la’aana jirta, Waa mida horee Somaliland waa ayo ma is yidhaahdeen? Waa mida labaade dhaqaalaha lagu shaqo geynayo dhalinyarada xaguu ka imanaya, yaase bixinaya? Waa maxay capacity ga aay dawladu ku shaqalaysiin karto dhalinyarada?  Waxaaba la yaab leh horta maxay ka shaqaynayaan dhalinyarada la leeyahay dawladu ha shaqaalaysiiso?

Su’aalahaa iyo su’aalo kale oo badan ayaa laga doonayaa inay qeexaan mucaaradka, oo aay noo soo ban dhigaan hadaanu nahay shicib iyo dawladaba.  Bal halka aay maalin walba leeyihiin dawladu shaqo ha abuurto, iyagu programme qoran ha soo daabaceen oo saxaafada iyo dawladaba how soo bandhigeen.  Arinta kale ee muhiimkaa waxa weeye, malaa dadka qaarbaa u haysta inay dawladu tahay socialist government sida wadanka China, North Korea, Cuba, iwm, oo aay dadkoo dhan shaqo geeyaan.  Waar dawlada Somaliland waa capitalist in nature, ee maaha shuuciyad wershado iyo mashaariic dhista.  Markaa hadaad arintaa fahmi lahaydeen maydaan tidhaahdeen dawladu shaqo abuur ha samayso.  Dawladu dhinaceeda public sector shaqaalaynta ah, aad iyo aad ayay u dadaashey, waayo dawladu iyadaa 50% wadanka shaqalaysiisaa. Hadii wax mashaariic ah aay dawladu samayso, waa haday Roads, bridges, airports, communications centres amaba building assets aay u samayso wadanka, sida wasaaradaha iyo tacliinta iyo wixii la mid ah.  Wixii intaa soo raacaa waa heshiis aay la gasho international oil and mining companies, taasina waaba la wadaa, oo wuxuun baa ka soo bixi doona sanad ama laba sano ka dib.

Aduunka waxa ugu badan ee shaqalaysiiya dadka waa private sector, markaa dadku yay isku qaldin public and private sector employment.  Mansh’allah dadkeenu waa dad u badan sole traders amaba iskood u shaqaysta.  Dadka intii dadaalka la timi ilaa intii aynu xornimada la soo noqonay waxbay qabsadeen, waana sida laga rabo in dhalinyaradu  u fekeraan, oo intay leeyihiin shaqo aan jirin halana siiyo, iyagu waa inay idea la yimaadaan aay shaqo ku samaysanayaan. Dhalinyarada laga yeeli mayo inay iska fadhiistaan amaba aay yidhaahdaan waanu tahriibaynaa oo shaqo ma jirto. Waar hadaad toban idinka mid ahi aad min boqol dollar isku darsan lahaydeen oo market research samayn lahaydeen waxaad qaban lahaydeen, am sure inaad wax qabsan lahaydeen.  Laakiin waa inaad ka fekertaan the income and expenditure of your business.   Hadaad tidhaahdaan faaido ayaan doonayaa laakiin kharshiyadiinu badan tahay amaba aad qaad ku cutaan faaidada halkaad dib u gelin lahaydeen businesskiina, amaba aad saving samaynsan lahaydeen, dee markaa sidaasi maaha sida lagu faaido ama baayacmushtarkiinu uu hore ugu mari lahaa.  Waxa kale oo looga baahan yahay dhalinyarada reer Somaliland inaanay ka khashaafin shaqooyinka, oo weliba aad u fahantaan in shaqada hoosta laga bilaabo.  Dhamaan taajiriinta waaweyn ee aad aduunka ku arkayso, hoosta ayay ka bilaabeen, qaarkood digsiyada ayay u xali jireen hoteelada, qaar gidaar ayay fadhiisan jireen oo wax ku iibin jireen.

Maaha samaynta businessku inaad dusha kaga timaadid amaba meel dhalaalaysa aad marka hore furatid.  Mida kale hadaad wax barateen, ma dawladaad wax u barateen inaad dhamaantiin u shaqaysaan mise marba wixii ku gudboonaada inaad qabsatid ayaad wax u baratay.  Dhalinyarada waxaan kula talin lahaa inay fekrado cusub oo aay shaqo ku bilaabaan aay la yimaadaan, oo weliba aay isku dayaan inay noqdaan multi skilled.  Inkastoo runtii aanan garanayn wax Somaliland lagu barto oo qof shaqo ku heli karo, laakiin hadad weydo inaad ku shaqaysato waxaad baratay, dee markaa waa inaad xirfado kale la timaadaa, oo markaa aad is weydiisaa bal horta xirfadaha wadanka lagu shaqaystaa waa maxay.  Markaa haday meeli kaaga bidhaanto in laga shaqaysto housing construction oo runtii iyada lafteedu xirfado badan u baahan, dee markaa xirfadahaa baro, sida paiting, decorating, wood and glass fixing, iyo hawlaha kale ee looga baahan yahay in guri lagu dhiso.

Aniga waxay ila tahay Somaliland dad aan diyaar u ahayn inay hoos ka bilaabaan shaqooyinka ayaa ka buuxa, waayo wadankeena waxaaba caado u ah in qofka schoolka dhamaysta uu ka khashaafo, for example inuu Restaurant ka shaqeeyo amaba suuqa wax ku iibiyo.  Dee iminkoo jaamacado laga soo baxayna maxaad u malaynaysaa, sida aanay u doonayn inay shaqooyin hoose qabtaan.  Dee ogaadoo Europe tan aad ku soo ordeysaan suuliyada ayaa la maydhnaa, qaarna digsiyada ayaay xalaan,  Tusaale kale ayaan jecelahay inaan dhalinyarada reer Somaliland siiyo, malaa waad wada maqasheen dawlada China iyo dawlada India, ma ogtahay inay ku nooly yihiin midkoodba A billion iyo dheeraad dadi.  Weligiin ma is tidhaahdeen waar dadkanu siday shaqada ku helaan, hadaba aan kuu sheego waxaas oo halaaqad ah iyagaa intooda badani is debara, dawlad wax tartaana ma jirto, khaasatan wadanka India, oo dawladu waxay cunaan mooyaane aanay dadka waxba gaadhsiinin.  Mid kaba tola, iyo mid tomaandho meel ku iibiya weeyaan dhamantood, yacni mid walbaaba waxbuu ku mashquul yahay si uu maceeshadiisa u soo saaro.  Runtiina qof gaajo u il daran arki maysid, waaba waxyaabah kuu sheegaysa jiritaanka ilaahay, qof walba ilaahay ayaa quudiya, laakiin adigu dadaalka la kaalay, oo bal horta meel uun ka bilow, adigoon ka khashaafayn inaad wax soo saaratid, wallow aad xaxab ku iibisid guriga hortiisa aay ku nooshahay gabadha aad aduunka ugu jeceshahay.

Markaa waxaan idiin sheegayaa dadka leh shaqo aan qabto ma hayno wadan aay ku noolyihiin 3 million, waa wax aan caqliga gelayn.  One billion Indian ah ayaa shaqo haysta, anaguna one million baanu nahay oo shaqo ma samaysan karno waa mush macquul.  Ileyn xitaa sadexda million ee Somaliland lagu sheego, dee million kama badna inta shaqada u baaahan, marka laga reebo caruurta schoolada ku jira, dadka waaweyn, iyo kuwa markii horeba shaqada haystey.  Markaa waxaan idin leeyahay reer Somalilandoow caqli keena muxaafad iyo mucaaradba.

Dhinaca private sector hadaynu eegno, waxay dawladu qabatay inay promote garayso in wadanka investment aay gashadaan companiyada aduunku iyo weliba dadka u dhashay wadanka ee gudaha iyo dibada kala degan.  oo markaa madaama uu wadanku ku dhisan yahay Capatalist principle, dawladu waay ogoshahay in private ownership amaba  share holding enterprise aay furtaan cidii wadanka maal gashanaysa ee sidaa shaqo ku abuuri kara.  Runtiina dawladu waay ku guuleysatey in for example, aay dad badan oo lacag lihi aay samayeen ama ku guuleysteen shaqaalaynta dhinaca private sector, oo markaa mashruucyo kala duwan iyo kuwa soo socdaba laga hir gelinayo wadanka.

Waxa ugu weyn ee dawladu qabatay waxaa ka mid ah in aay ka dhaadhiciyeen companiyo badan oo ajaanib ah inay maal gashadaan wadanka dhinaca khayraadka dabiiciga ah.  Can you imagine wadan aan cidi ictiraafsanayn, oo aan xaaladiisa la hubin waxay ku danbeyn doonto, oo laakiin dawladu ku dadaashay in saliid laga qodo.  Runtii waa wax ilaahay loogu mahad naqaa inay arintaasi u suurta gashay.

Hadaba wadanka Somaliland oo aynu ogyahay xaaladuu ku jiro, oo gebigiisuba ku dhisan cashuur yaroo dadka laga qaado iyo wax yaroo mucaawimo ah oo dibada uga timaada ayaa dad aan aqoon u lahayn economic aspect of a country aay ku leeyihiin maxaa shaqo dhalinyarada loogu abuuri waayey.  Warmoogoow bal noo sheeg inta dawladu shaqaalaysiisey inta ka badan hakla aad adigu ku ogtahay ee lacagtu taalo amaba wadanka ka soo gasho.  Aduunka waxaa ugu daran qof aan economic systemku siduu u shaqeeyo aan garanayn, oo hadana isagu isla wanaagsan.  Waar qolyahan mucaaradka Somaliland ee indhaha la’a waxaan idiin sheegaya, caqli keena ama iska aamusa, miyaad taqaaniin ecomomics iyo sida wadan loo maamulo, xagaad ku soo dhigateen, khibrada aad leedihiin ee wadan lagu maamulo bal noo sheega halkaad ku soo barateen.  Saaxiibayal meeshan adhi la raaci mayo, ee income iyo expenditure ayaa wadanka uu ku hogaaminayaa nin economist ah, oo weliba dawlad hore uga soo shaqeeyey.  In economics every day is a new day, everything depends on world market and commodity price fluctuations.  Wadamada aduunka intooda badani waxay ku jiraan recession sida USA, UK, Ireland, Iceland, Italy, iyo kuwo kale oo fara badan.  Qaarna waxaabay ku sugan yihiin depression sida Greece, Spain iyo wadamo kale oo la mid ah, oo kaliftay inaanay dawladahaasi iska bixin Kari waayaan daynkii  IMF iyo EU aay siiyeen, si wadanku cagaha isugu taago.  Shaqo la’aanta dhalinyarada haysata oo wadamo badan oo EU ku jirto waxay maraysaa 12-25%, iskaba daa xaalada Africa, middle east and some Asian countries.

Bal hadaba Somaliland xagaay ka taagan tahay in a world of recession and depression situation, in term of GDP and GNP of economics.  An idiin sheegee Somaliland map kaba kuma jirto in a real world economy, idinkuna waxaad leedihiin maxaa shaqo dawladu u abuuri weydey.  Which planet you from guys?  Somaliland is just like a static pirate ship in the middle of ocean, in a fast moving economic world. The country doesn’t have resources or exports goods to raise taxation.   In that case, how the hell do you expect the government to create jobs.  Somaliland government generates small income through meager taxation, including livestock export to Saudi Arabia once a year.  I will tell you how we survived so long as a nation?, well the biggest income comes from the Diaspora, which is the backbone of our existence as a nation.  Therefore, I will suggest the government to concentrate more about improving tourism industry, and facilitate international airlines to come to Somaliland.  This will in turn create jobs in Restaurants, hotels, transport and many other areas of the private sector.  It’s also essential to have world class airports or at least reasonable regional airports, especially in Erigabo and Laascaanood.  Nowadays travelling to Somaliland is very expensive, so something should be done, if the government want to generate more money from tourism industry within Somali diaspora.

Hadaba sidee ayaa shaqo loo abuuri karaa, lets start with the primary sector of the economy;  Horta iminka dhaqdhaqaaq ayaa ka socota dhinaca khayraadka dabiiciga ah ee wadankeenu ku qaniga yahay, waxaa ka mid ah raw material such as oil, gas, mining, Farming and agriculture, fishing iwm.  Somalilandna hore u mari mayso ilaa aay wax soo saartaan, khaasatan kaluumaysiga iyo wax beerashada, oo aad iyo aad u muhiima.  Wadan aan waxba soo saran, waa wadan is dhiibey, oo sharaftoodii iyo mutaqbalkoodiiba iibiyeye.  Dhinaca farming markaan leeyahay how qaadanina beeraley.  Waxaan uga jeeda intiina aan termkan garanayn, waxaad dhaqan kartaa noocyo kaluukna ka mid ah adoon badaba tegin, waxaad beran kartaa digaag, waxaad beeran kartaa cows and camels.  Maaha hadaad wax dhaqanayso inaad miyi u baxdid, inkastoo ad space fiican ka helaydsid dibadaha magaalada u dhow.

Iminka hadaad eegtid primary sector of the economy, waxaad ogaan kartaa in bilowgii 19 century uu agriculture iyo manufacturing or the industry uu dhaqaalaha door weyn ka ciyaari jirey , laakiin iminka dhaqaalah ka soo gala dhinaca primary sector waa 3-5% oo keliya. Markaa dhaqaalihii wadamadaasi wuxuu isu bedeley what they call it paper pushing, oo taa macnaheedu uu yahay wax hard work ahi ma jiro sidii berigii hore wershadaha looga shaqayn jirey, laakiin iminka aay noqotay sheekadu in laga shaqeeyo Insurance, law, entertainment, tourism, and commodity share holding.  Wax aanay soo saarin ayay suuqa lagu kala iibinayaa, sida oil, gold, silver, iwm.  Sideedaba waxa la yidhaahdaa aduunku wuxuu soo maray three modern economic revolution waves or stages, agricultural wave, industrial wave and information wave.  Markaa midba midka kale ayuu sabab u ahaa, markaa inagu hadaynu nahay Somaliland, intaba mar keliya ayaynu daaqada kaga soo boodney.  As they say information is power, thus we’re an information society.

Hadaba madaama dhaqaalaha western worldku uu isu bedeley from industrial to post industrial information society.  Waxay keentay halkay wax ka soo sari lahaayeen, waxay daba eegayaanuun numberska screen ka ka big big leh.  Runtii halkan kuma soo koobi karno sida world stock market negative aspects of irrational stock market and corrupt banking system which causes the crisis the world are in at the moment, laakiin waxaa inoogu filan inaanay xal ahayn in developed countries aay wax soo saarkoodii dhinaca agriculture iyo manufacturing aay haleeyaan, amaba aay u wareejiyaan (outsourcing) warshadihii wadamo kale oo aay isleeyihiin shaqaalaha ayaa ku jaban amaba qiimihii aay raw material ku iibsanayeen ayaa wadamadaas kale ku jaban.  Calaa ayul xaal waxaa muhiim ah in wadan kastaa raashin ku filan uu ka soo saarto wadanka gudihiisa, oo wixii surplus ahna uu dhoofiyo si aay lacag adag u soo geliyaan wadanka.  China waynu ognahay maanta wuxuu halkaa ku gaadhay waa wax soo saarid jaban oo uu aduunkii ku qarqiyey. Runtii sidaan hore idiinku sheegay wadan aan waxba soo saarin xor maaha, dhinac walba, weligaana gaalo ayad baryaysaa, oo isla markaana keenaysa in aay kugu khasbaan shruuc iyo nidaam aanad jeclayn, sida inaad deyn qaadatid, iyo waxay beryahan ku magacaabaan rewarding good government with good Human rights record.  Taa macnaheedu waxa weeye, metalan inay ku yidhaahdaan diinta iyo siyaasada hala kala qaybiyo,  amaba homosexualka xuquuqul insaankooda waa inaad saxeexdaan oo ka mid noqotaan, madaama aay Human rights soo dhex gelayso, only then ayaa mucaawimo lagu siinayaa.

Qaybta labaad ee kobcinta dhaqaalaha wadanka waa Secondary Sector of the economy; markaan sidaa u eegay Somaliland iyo awoodeeda dhinacan la xidhiidha, waxaan is leeyahay waxay soo saari karaan textile, bottling factory, construction material, and probably some kind of basic chemical for domestic use, such as paints, medical or animal husbandry type of substances.  Am sure as soon as we have access to raw material such as oil and metals we can then manufacture a lot of material from those resources.  Laakiin mid baan xasuusin lahaa Reer Somaliland, hadaan taariikhda dib u raacno waxaynu ognahay in wadamadii la gumaysan jirey sida India, China iyo wadamo fara badan oo ka dabeeyey iyaga aay heeerkan ku soo gaadheen waxaa la yidhaado small industry or small enterprise, markaa maaha in loo qaato small industry as a complete industry, laakiin wuxuu noqon karaa in compenent ama qaybo kala duwan oo laysugu keeno meel, si complete product meel lagu sameeyo.  For example, masaasada caruurta ayaa la doonayaa in la sameeyo, markaa waxay noqonaysaa in qaybaha aay ka kooban tahay qofba wax ku soo hoos sameeyo gurigiisa, dabadeedna uu u diro warshadii dhamays tiri lahayd. Example kale wuxuu noqon karaa in mechine yar aad guriga ku haysatid oo halkaa aad adigu raw material soo iibsatid dabadeedna aad soo saartid a complete product.  Wax soo saarka yaan loo qaadan inuu had iyo jeer u baahan yahay qalab weyn amaba wershad weyn, waxaad samayn kartaa irbado, masaabiir, kabriid, cadar, spoons and utensils ama (maacuun sida loo yaqano) iwm.  Bal adigu suuqa indha indhee oo waxaad eegtaa imisa waxyaabood oo yar yar oo aynu inagu samayn karno, oo hadana dibada aynu ka soo iibsano.

Hadaba sidaynu ku noqonaynaa wadan wax soo saara, waa mida horee dee waa inaynu investment ku samaynaa caruurteena, that mean we should provide better paid teachers, and teach our children life time skills needed in the country, such as technician, plumbing, construction, engineering, and aeronautical engineering iwm.   Waxaan kaloo kula talin lahaa dadka baayacmushtarka ah, amaba lacagata haysta inay booqdaan wadamada industrial ka ah, sida China, Turkey, India, si aad u soo ogaaataan bal inaad wadankeena ka samayn kartaan wershadahaas oo kale, this’s what’s called (business veasibility studies) maaha inaad wax iska soo iibsato aan ku shaqaynayn wadankaaga, amaba spare parts aanad u hayn, amaba market aanad u ahayn, iwm.  Waxaan kaloo kula talin lahaa dadka businesska jecel, ee awoodana u leh inay wadamada dunida booqdaan, inay ka qayb galaan marka wadamada sida China, India, iyo Turkey aay qabanayaan carwooyinka qalab iibiska.  This’s what mant countries do annually, like china small industry expo, or Asian expo, or Muslim expo, oo lagu soo bandhigo waxay wadamadaasi soo saaraan ee warshado iyo badeecado ah.   Idinka laftiinuna hadaad Somaliland tihiin qayb baad kiraysan kartaan, oo markaa aad u iib geyn kartaan waxa wadankiinu soo saaro, sida xoolaha nool, kaluunka, beeyada, hargaha iyo wixii la mid ah.  Laakiin waxaad u baahan tihiin isu diyaarintii arintaa, iyo documentation aad sii qaadataan including photos and samples.  Dawlada lafteeduna waay idinka caawin kartaa arimahaas.

Qaybta sadexaad ee iyaduna muhiimka ah waxay noqonaysaa Tertiary sector of the economy, iyadana waxaan ka soo qaadan karnaa  banking and insurance, transportation and distribution, private health care, clerical services, entertainment (probably Radio and television), tourism, media and law. Hadaan qaybtan eego runtii waxay isugu jirtaa waxyaabo iminka wadankeenii ka bilaamay, sida radio, television, and private clinics.  Laakiin qaybaha kale sida Banking, law and insurance, waa arimo iman kara mustaqbalka oo wadanka hore u marin kara, dadka baayacmushratka ah iyo dawladuna aad ayay ugu baahan tahay jiritaanka business related law and insurance, madaama aynu wadanku mucaamalaad badan la samaynayo international companies, iyo weliba waxa la xidhiidha import and export transactions.

Dhinacaa shaqaalaynta hadaan dib ugu soo yara noqdo, horta Job centre ayaa wadanku u baahan yahay shaqooyinka dhalinyaradu iska register garayso, laguna soo bandhigo both public and private sector jobs. Inkastoo aan jecelahay in dawladu aay samaysey dhawaan xafiiska shaqaalaynta.  Horta private sector iyagaa xoriyad u leh qofkaay shaqaalaysiinayaan, inkastoo hadii discrimination uu jiro uu sharcigu qabanayo iyaga laftooda.  Mana jecli runtii in sharciga dawladaha hore u maray inaan ku dabaqo wadankeena. Waayo wax isu iman kara maaha, laakiin waxbaynu ka baran karnaa nidaamka aay u shaqeeyaan.  Shaqooyinka laysku haystaa waa shaqooyinka ka soo baxa dawlada amaba public sector jobs. Aniga waxay ila tahay in marka interview laga qaadayo job candidateska la soo xulo dad kala jaada oo aan hore isu aqoon, si aay markaa shaqada qofka ku haboon aay u siiyaan.  Shaqo kasta dad kala duwan oo meelaha laga soo uruuriyey sida macalimiinta, baayacmushtarka, dumarka hay’adaha u shaqeeya iwm.  Isla markaana their lunch and transport expenses aay bixiso job centre ku cidii howshan qabanaysa, waayo dad hawlahooda haysta ma odhanaysid shaqadan noo qabo gaadhi raacna ku siin mayno.

Waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo Enterprise Employment foundation, oo dawlada iyo baayacmushtarku iyo weliba hay’adaha aduunku aay maal geliyaan, si aay iyaguna grant u siiyaan dhalinyarada amaba dadka doonaya inay business samaystaan.  Markaa hadii aay la yimaadaan a viable good business plan, waa in markaa la siiyaa the money they need to start a business. And of course there should be a conditions of getting the grants, for example inay iyaguna wax ku darsadaan, amaba installment loo siiyo lacagta. Weliba in ongoing monitoring loo sameeyo halkay xaaladoodu marayso, iyo wixii aay ku qabteen lacagtii la siiyey at least sadexdii biloodba mar.  Waxaa kaloo muhiim ah in dhalinyarada shaqooyin volunteering ah loo sameeyo, si aay experience uga helaan hay’adaha iyo wasaaradaha wadanka, iyo weliba shaqooyinka private sector.  Jobcentreku waa inaay arimahaas ka shaqeeyaan, laakiin at least waa bus pass iyo qadadiisa laga bixiyaa. Work experience wuxuu socon karaa once a week or twice a week.  Markaa hadii wadanka ten thousand aay voluntary loogu kala qaybiyo meelahas, dee at least waxbay ahaan lahayd.

Inkastoo xitaa la samayn karo 6 months military training for students who finished their secondary school, including female students. Shaqadan qaran ee militariga ahi waxay u soo kala furi lahayd indhahooda hadii bishiiba degaan cusub la geeyo, sida Saylac, Erigabo, Burco, Berbera, Laascaanood iwm.  Macnuhu maaha magaalada ayay degayaan, ee degaankaas ayay xeryaha militariga la degayaan.  bisha ugu danbaysana aay xeebahaa ku qaataan their training including how to understand marine biology and fishing.  Laakiin macnuhu maaha inay soo bayhoofaan, ee waxa weeye inay degaamada kale soo bartaan iyo sida military loo noqdo, ee qalabka iyo hubka loo bari lahaa.  Isla markaana special case aay arintoodu noqoto, oo markaa decent food iyo medical attention la siiyo, iyo weliba $10 monthly allowance for their basic needs.

Waxaa kaloo haboon bal in wadanka loo sameeyo labour laws oo ah sharcigii kala hagayey shaqaalaha iyo shaqada lafteeda.  Dadka ajaanibka ah qudhooda waa in sharci aay ku shaqeeyaan aay haystaan, oo lixdii biloodba mar loo cusboonaysiiyo.

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, dadka reer Somaliland waxaan kula talin lahaa inaanay noqon danlaawe iyo danayste aan wadanka waxba ka qabsan, waxna u qaban.  Dawlada iyo shacabkuba waxay meel ku gaadhayaan haday is kaashadaan, oo danta guud ka wada shaqeeyaan.  Aduunka dawlad perfect ahi ma jiro, teena oo aynu ognahay dhaqaale la’aanta iyo ictiraaf la’aanta, iyo weliba mushaakilka ku gadaaman ee dhinaca Somalia kaga imanaya, ee hadana sidaa ku shaqaynaysa, waxaa fiican in loo sabro, oo dulqaad lala yimaado.  Hadaad diinta in yarna ka fahmeysaan, waad garanaysaan in qoomamku hore lagu halaaqey khilaafka iyo muranka dhexdooda, iyo caasiga aay ilaahay caasiyeen.  Bal ka warama hadii ciidan dagaal loo diro, oo dabadeed aay khilaafaan amarkii abanduulaha, kaba sii darane aay qaarba wax gooniya kaga dhex hadlayaan ciidanka.  Hadaba dawladuna waa sidaa hadii aan madaxweynaha la adeecayn, amaba la ixtiraameyn, oo dad aan cidi dooran aay had iyo jeer doonayaan inay baal maraan qaanuunkii wadanka, dee markaa wixii la sugaaba waa burbur iyo inaynu cadowga u jabno.

Waar madaxweynaha iyo xisbigiisa mandate 5 sano ah ayaa la siiyey, ee la shaqeeya, hadii wax qaldan aad ku aragtaana, si nidaamsan ugu sheega.  Laakiin arinku maaha haday dawladu taayada maqli weydo, woloow aad saxsantihiinba inaad wadanka khalkhal gelisaan iyo muran aan waxba laga faaideyn.  Waayo amarka iyo talada ugu danbeysa dawlada ayaa iska leh, idinkuna shaqadiinu waxa weeye inaad noqotaan mucaarad responsible ah.  Malaa dadka qaarkii mucaaradnimada qalad bay ka fahmeen, mucaaradada aduunku dawlada waxay u soo jeediyaan rayi ka duwan ka dawlada, laakiin wax cilmiyeysan ayay kaga soo horjeestaan, oo saani u tafatiran.  Maaha mucaaradnimadu inaad iska qaylisid oo tidhaahdid sida caadada u ah dadka reer Somaliland musuqmaasuq ayaa jira, ama xamar baa laynagu wadaa, amaba sida qaar aan is idhi maskaxda ayay wax ka qabaan aay yidhaahdaan sir baanu haynaa oo goordhow baanu qarxinaynaa.  Hadaad wax sheegayso, horta been ha sheegin ileyn qof Muslim sheeganaya ayaad tahaye, hadaad waxaad sheegaysaa aay dhab tahayna dee cadee oo proof la kaalay.  Mucaaradnimada aduunka ka jirtaa wadankooda burbur iyo qabyaalad uma horseedaan, wa maca daalik, marar badan mucaaradku waxay taageeraan xisbiga talada haya hadii qaanuun cusub la samaynayo, for example hadii wadanku xaalad adag ku jiro, metelan hadii wadanku dagaal ku jiro, amaba dhaqaale xumo aay soo food saarto.

Dawladana waxaan kula talin lahaa bal inay dib u habayso wasaarada cadaalada iyo garsoorka, oo dad aqoon u leh loo magacaabo, oo weliba dawlada iyo wasaarada cadaalada lakala fogeeyo si aanay isugu dhex milmin.  Wasaarada cadaaladu waa inay ka madax banaanataa dawlada, oo aay noqoto meesha shicibka iyo dawlada kala saarta, maaha inay ka qayb noqoto dawlada.  Waxaan kaloo jecelahay in la xoojiyo wasaarada la dagaalanka musuq maasuqa, si aay ula xisaabtamaan wasaarad kasta iyo qof kasta oo wadanka xil u haya.  Laakiin ogsoonoowoo cadaalad iman mayso hadii qof markii horeba tuug ahaa, amaba ilaahay aan ka baqayn xil loo dhiibo, sidoo kale hadii qof isba tuug ahaan jirey loo dhiibo wasaarada la dagalanka musuq maasuqa, dee markaa waa layska garanayaa inaanay waxba hagaageyn.  Labadaa wasaaradood haday hagaagaan wadanka oo dhami wuu hagaagayaa insha’allah.

Shaki kuma jiro in dadka Somaliland ku nool uu dhaqaalahooda sii wanaagsanaanayo, lagamana abaal daro waxa ilaahay ina siiyey, iyo waxa dawladu wadanka ku soo kordhisay.  Laakiin hadii aynu doonayno in wadanku hore u maro waa dawladu dhinaca wadooyinka, biyaha iyo laydhka aay ahmiyad badan siisaa.  Baayacmushtarkana waxaan leeyahay waar busniesskaad wadaan diversified ka dhiga, oo raashin la soo dejiyo iyo xawaalad uun haku dawakhina’e, bal isku daya wadanka inaad warshado yar yar keentaan, amaba dhinaca beeraha iyo wax soo saarka aad ugu dhaqaaqi lahaydeen.  Dhalinyarada waxaan leeyahay cidna ha sugina ee bal suuqa iyo xaafadaha iyo magaalooyinkaa mar mara oo bal eega waxay dadku u baahan yihiin, si aad shaqo u samaysataan.  Metalan hadaan hal example aan idiin soo qaado, waxa magaalo kasta ka jirta hal suuq amaba laba suuq wax lagu iibiyo, markaa maxaa idiin diidey inaad suuqa u geysaan xaafad kasta, halkay customerku iyagu u tegayaan market ka fog.  Koona kasta iyo gidaar kastaba waa in small business laga furaa, xitaa door-to-door waa inaad ku garaacdaa guryaha si aad wax uga iibisid.  Hadaad is leedihiin shaqo la qabto ma jirto wadanka, bal xasuuso ama ka feker tusaalaha wadanka China iyo India, oo Billion kor u dhaafay, oo hadana meel kasta wax isku jaada iyo wax kala jaada ku iibinaya.  Ma is tidhaahdeen waar dadkan yaa wax ka iibsanaya horta, hadaba anigu su’aashaa ayaan is weydiiyaa habeen iyo maalin, iyo cida dadkan arsaaqda.  Waana wax iska cad oo ilaahay baa irsaaqa, waayo si kale kumaay suurta gasheen.  Businesska ilaahay baa barakeeyey, markaa adiga waxaa lagaa doonayaa inaad wax xalaala iibisid, dadkana aanad khiyaaneyn, ilaahayna aad caabudid, isla markaana aad isaga tala saaratid.

Dawlada Somaliland waa inay ahmiyad balaadhan sii dumarka iyo sidii shaqooyinka iyo dawlada looga qayb gelin lahaa.  Aniga waxaabay ila tahay in hadii xukunka xisbiyada dumar laga dhigi lahaa 50-60% in wadanka musuqmaasuqu ku yaraan lahaa, horumar weyna gaadhi lahaa, waayo dumarku sidoodaba waa hawl kar, iyo naxariis badni aay raga dheer yihiin.  Ragii soomaliyeed waxay isu rogeen iimaan laawayaal qaad iyo qabyaalad ku takhasusay.  Intooda badani waa field marshal dibu dhaca wadanka ka shaqeeya.  Sidaynu ognahayn engine ka wadanku ku shaqeeyo manta waa dumarka, cida maal gelisa ee weliba taburuca samaysaana waa iyaga. Dhinaca kale hadaynu ka eegnana iyagaa iminka wadanka ugu badan, wax foodana iyaga ugu badan wadanka.  Miyaanay ahayn xaq daro inaynu xaqirno, oo wadanka maamulkiisa aynu ka qadino.  Dawladan iyo kuwa soo socdaaba wa inay dumarka ka war hayaan, oo caafimaadkooda ka war hayaan, oo tacliintooda ka war hayaan.  Weli ma maqal women’s refuge centre in Somaliland, xaruntaas oo lagu xanaanayn lahaa hadii marital problem soo kala dhex gasho iyaga iyo ragooda, amaba family problem qaar uu haysto oo shelter u baahan, amaba qaar niyad jab haysto.  Inkastoo aan aad iyo aad uga xumahay in cida ugu horeysa ee la hadha dumarka, ama horumarka u diidan aay tahay iyaga laftooda oo aan organize garaysnayn amaba is xasdaya dhexdooda.

Waxaan sii xasuustaa Ilham Faleebo Ali markay isu soo sharaxaysey degaanka Hargeisa, rag iyo dumarba dadkii isu soo sharaxay doorashada Somaliland waxay ka ahayd no1.  Ilaahay wuxuu siiyey karti, aqoon, fahan wanaagsan. Madaama aay hay’do u soo shaqaynaysey waxay ka baratay sida dadka wax loogu qabto, waxayna had iyo jeer booqan jirtey degaamada iyo tuulooyinka Hargeisa ku xeeran, si aay u soo indha indhayso xaaladoodu siday tahay, soona dhegeysato, weliba deeqna ugu geyso.  Waxay kaloo aad ugu mashquushaa wax u qabadka dhalinyarada Hargeisa iyo nawaaxigeeda. Maanto oo kale wadanku wuxuu u baahan yahay inantaa da’ada yare e la yidhaahdo Ilham Ali Fleebo. Runtiina campaignkii doorashadeedu wuxuu ahaa a master class, horena loogama arag Somaliland.   Dadka aqoonta lihi waay garanyaan siday Ilham wax u wadey, iyo waxay tiigsanaysey.  Nasiib daro kuma guulaysan, waxaana qayb ka qaadatay inaanay soo bixin dumarka laftooda, oo qiimaheeda iyo waxay wadankaba u qaban lahayd aan fahansanayn, iyo weliba musuq maasuq lagu sameeyey codadkii la siiyey.   Runtii article ayaan berigaa ka qoray, laakiin xisbiyada waaweyni may fahmeyn importanceka aay Ilham xiligaa u lahayd xisbiyadooda.  Dadka Somalia/Somaliland ku dhaqan waxaa weli ka dhaadhacsan in qabqablayaasha loo doorto hogaaminta wadanka, laakiin shicibku weli isma weydiiyaan waar muqayilkani muxuu ummada iyo degaankiina u tarayaa.    Insha’allah waxaan rajaynayaa in dumarka sida Ilham aay meel fiican ka soo baxaan, amaba jago fiican dawladu u magacaawdo mustaqbalka. Xitaa hadii dumarka reer Somaliland jagooyin sare loo waayey, waa in qaybaha kala duwan ee wasaaradaha loo magacaabaa.

Waxaan dawladan iyo kuwa soo socdaba kula dardaarmayaa arin aad iyo aad u muhiima, oo u baahan in la derso, oo la fahmo.  Arinkaasi waxa weeye waar hadii layna ictiraafo iyo hadii kalaba wax deyn ah haynagu qaadanina.  Ama dawlad haydinku deeqdo ama IMF (International Monetary fund ) haydinku deeqdo.  Aduunka manta waxa burburiyey ee ibnu adam oo dhan xabaalaha ku riday waa lacagaha lagu siinayo ee dabadeedna interest amaba Ribada dusha lagaa saarayo.  Ribadaas lacagyawda la saarayo, oo runtii lagula soo doonanayo xitaa hadaanad u baahnayn, sida bangiyada in western world aay kuula soo doonanayaan inaad deyn qaadatid markaad 18 jir noqotid amaba wax ka yar, si aad wax interest amaba ribo aay kuu dul saaraan.  Waayo waa dhiig miirato wadada kuu fadhiisanaysa, oo ku odhanaysa guri iibso, gaadhi iibso amaba shay uun qaaliya laakiin aanad goyn karayn ku odhanaya deyn ku qaado.  Imisa deynkaa reero ku burburay, imisaa wadamo inaga cilmi badan, oo inaga dad badan, oo inaga dhaqaale badan aay ribadaasi dhulka dhigtay oo wax walba ku waayey.  Hadaad aduunka waxa ka soconaya aad eegtid, waad garan kartaa dhibaatada soo fool saartay wadamada Europe iyo North America, kuwa kalena hadlkoodaba daa.  Aduunka wadanka ugu dhaqaalaha badan waa USA, laakiin sidaad la socotaanba waa bankrupt, waxaa lagu leeyahay 9 trillion oo deyn ah, hadaanu ka badnayba.  Waxaaba isku soo dhow inta soo gasha oo ah 13 trillion ah iyo inta lagu leeyahay.  UK waxaa deyn lagu leeyahay 200 Billion, hadaanay ka badnaynba, runtii wadamo badan ayaa sidaa deyn loogu leeyahay, wax kalana maaha ee waxaa qayb weyn ka qaadata waxa la yidhaahdi waa interest debt reservicing amaba siday deynkii isaga bixin lahaayeen plus interest.

Wadamadan oo dhami dhaqaale waay haystaan, cilmi iyo aqoon ku filan waay haystaan, laakiin talaabada aay hore u qaadaanba labo ayay dib u soo noqdaan.  Maxaa hadaba sababay aduunkan dhaqaalihiisii kala guurku ka jiro, wax kala maaha adoon meel kalaba ka eegin ilaahay wuxuu yidhi dagaal baan la gelayaa cidii ribada isticmaasha waana xaaraan maqdac ah.  Bal fekeroo nin ilaahay la dagaalamayo amaba nin is leh ilaahay la dagaalan maxaad ka filaysaa.  Aduunka waxaa manta ugu ayaan badan ninka xoolo dhaqatada ah ee aduunkan iyo camalkiisa ka fogaadey, amaba wadan yar oo sideena oo kale ah, oo aan cidina ictiraafsanayn.  Dadka qaarbaa hadh iyo habeen ku fekeraya in la ictiraafo, horta yaa ictiraafka khayr ku og.  In fact Somaliland diyaarba uma aha in la ictiraafo, waayo dhaqaale aay dawlad caalamiya ku dhisaan awoodba uma hayaan.  Bal noo sheegoo Somaliland miyay dawarsanaysaa, mise deyn bay qaadanaysaa si aay dawlad u dhisto.  Aduunka waxa ugu daran qof aan aduunka waxba ka fahmeyn, iimaankiisiina ka baayacaya aduunweynaha iyo dunidan la nacdalay.

Waxaan idinkula dar daarmayaa mar labaad waar hadaad ilaahay ka baqaysaan in cadhadiisu aad ka magan gashaan, waar deyn haynagu qaadanina weligiin hadaad xitaa gaajo u bakhtiyaysaan.  Ilaahaybaa irsaaqa umadiisa meel aydaan ka filanayne, weligiina gaalada ka fiirsada, waayo wax nasteexo ah oo aay ku haayaan ma jirto, adiguun bay wax iskugu kaa celcelinayaan intay kuu qoslaan.  Ictiraafkan aad ku degdegaysaana priority fara badan ha siinina, haduu yimaadana arka hadii kalana iska sabra.  Waan ogahay faaidada uu u leeyahay ictiraafku wadankeenu, si aay uga qayb noqdaan international community, oo weliba waxyaabo fara badan aay ku xidhan tahay helida dawladnimo.  For example, citiraafku wuxuu keenaa in wadanka la maal gashado amaba banking system la samaysto, amaba xuduud la ictiraafsan yahay uu yeesho wadanku iyo wax yaabo kale oo aad u muhiim ah, laakiin maca daalik dantaada laguma seego ictiraaf raadinta ee hawlahaaga ayaa layska wataa ilaa inta uu imanayo.    Laakiin taa waxaa ka sii horeysa bal horta idinku shicib ahaan is aqoonsada, oo cadaalad iyo walaaltinimo la yimaada, si wadanka loogu wada noolaado si nabad gelyo ah.  Dad islaam ah oo aan isu calool fayoobeyn, oo hadana ictiraaf gaalo ka raadinaya xagee lagu arkay.  Idinku is ictiraafa oo xasidka iyo nacaybka idin dhex yaala iska daaya, oo ilaahay ka baqa.

Ali Dhinbiil

World affair editor

Ali.dh@hotmail.co.uk